Calendar

WARBIXIN:- Qasaaraha qaraxyadii Islii oo koradhay [ PHOTOS + VIDEO ]

Qasaaraha ka dhashey qarax xalayto lala eegtey masjidka Al hidaaya ee Xaafadda Islii ayaa kor u kacday iyadoona ay tirade dhimashada ay gaartey ilaa 5-qofood.

Dhaawacyada ayaa garayo 37-qofood iyadoona uu ku jiro Xildhibaanka deegaankaas laga soo doorto Yuusuf Xasan Cabdi..

Ciidamo kala duwan ayaa lagu soo daadiyey xaafada Islii iyadoona la qabqabtey dad faro badan oo dowlada ay sheegayso ineysan haysan wax sharciyo, lana tuhmayo.

Ilaa hada lama yaqaano cidda ka danbeysay qaraxyadda la eegatey masjidka Al hidaaya waxa jiro baaritano ay booliska ay wadaan.

Taliyaha booliska magalada Nairobi Moses Ombat oo shir jaraa’id ku qabtey goobta ay dhibaatada ka dhacday ayaa sheegay in qaraxii lala eegtey masjidka alhidaaya uu ka duwanaa kuwii horey ay u arkayeen ee ka dhacayay magalada Nairobi.

“Maalmihii la soo dhaaffay qaraxyo ayaa jirey – qaraxan waxa u maleysaa inuui kuwii hore kala duwan yahay, waxa u muuqdaa mid la tuurey, ma aha midd la aasay, lain baaritaanada aan wadno ayaa ku ogaan doona” taliyaha booliska Nairobi.

Goob joogayaasha ku sugnaa goobta markii uu qaraxa dhacayay ayaa sheegay ka hor inta uusan qaraxa uusan dhicin ineey jirtey xabado la riday, kadibna bom gacmeed lagu soo tuurey kazoo horjeedka masjidka uu tagnaa xildhibaanka Yuusuf Xasan oo dad badan la hadlayay.

“Waxa aan eegaynaa wixii qarxayay ee la ssoo tuurey. Goob joogayaal ayaa inoo sheegay in bom-ka laga soo tuurey gaari cad, hadane waan ku daba jirnaa dadka laga shakisan yahay” ayuu yiri Moses Ombat.

XIldhibaanka Yuusuf Xasan oo laga soo doorto degmada Kama-kunji oo Islii ay xisaabsan tahay ayaa masjidka yimid maqribkii isagona halkaas kula hadlayay boqolaal dadweyne ah oo uga warbixinayay arimaha amaanka iyo hormarka xaafadda.

DAAWO SAWIRADA

[slidepress gallery='warbixin-qasaaraha-qaraxyadii-islii-oo-koradhay']

DAAWO MUUQAALKA

 

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Featured.
« »

Comment: