Calendar

Wariye Maxamed I Raage Oo Kooxo Hubeysan Ay Ku Dileen Muqdisho

Allaha u naxariistee wariye Maxamed Ibraahim Raage oo ka tirsanaa howlwadeennada Warbaahinta Qaranka ayey kooxo hubeysan ku dileen magaalada Muqdisho.

Wariye Raage ayaa kooxaha toogtay waxey ku hubeysnaayeen bastoollado waxaana ay toogteen isaga oo taagan albaabka hore ee gurigiisa oo ku yaala degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir.

Kooxaha dilka geystay ayaa goobta ka caray laakiin hay’adaha ammaanka ayaa durba sheegay iney hayaan raadad la xiriira kooxaha dilka u geystay Allaha u naxariistee Wariye Maxamed Ibraahim Raage islamarkaana ay hada lagu daba jiro kooxahaasi.

Wariye Maxamed Ibraahim Raage ayaa ka mid ahaa wariyeyaasha ka shaqeeya Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed isagoo ka hor warbaahinta Qarankana lasoo shaqeeyey qaar ka mid ah warbaahinta madaxa banaan.

INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN

___

RADIO MUQDISHO


Comments

comments

Category : Featured, Hot Now, Wararka Maanta.
« »

Comment: