Calendar

Maxaa keena Qanaaca-Darada Dumarka Akhriso Xog Muhiim ah.

Dhalinyaradeenu waa kuwa inta badan doobnimo ku dhameysta noloshooda balse dadaalkooda kadib waxaa u suura gasha ineey rajadooda ka mira dhaliyaan kuwaasoo caqabado kala duwan kala kulma habsami socodka Nolosha.

Ragga iyo Dumarka Alle waa uu isku abuuray waa kuwa isku baahan isku baahi tira dareemadooda la iskugu tala galay, Diinteena suuban waxa ay noo jiheeysay macaanida nolosha waxa ay noo baneeysay wixii wanaaga ku jira iyadoona naga reebtay xumaatada.

Hadaba Qanaacada darada dumarka waxa ay ku timaad siyaabo kala duwan , caadiyan waxaa haboon in labada ruux ay isku guursadaan Jaceyl iyo xulasho labada dhinac ku timaad .

Hadii ay yimaadaan caqabado laga fursan waayo labada lamaane ee Jaceylka isku guursaday waxa ay si deg deg ahi ku raadiyaan xalka iyadoo aysan dhiceyn in duruuftaas la iskaga tago garab in la isku siiyo mooyee.

Wiilku hadii uu waqtigiisa badankiisa kusoo dhameysto doobnimo waxa uu wehel iyo saaxiib u ahaa waxyaalo badan sida isaga oo isticmaala Gacantiisa & Agab aan hormarsaneen, isagoo joogteeya wehshiga waxyaalaha caafimahadka u daran.

Isagoo u baahan inuu la qabsado nolosha cusub maadaama uusan in mudo ah la kulmin ama ay ugu danbeeysay marxaladaas, Hadaba waxaa haboon inaad Fikir ahaan la tashato Dhaqaatiirta oo aadan qarsan , wixii talo ahna saaxiibkaaga qaaska ah eed ku kalsoontahay kuna caawin kara u weydiisin sidii qof talo doon ah ugana sheekeysay dhacdo qof kale heysato oo kale.

Gabadha waxaa haboon in eeysan niyad jabin Seygeeda ugana dhigto waxyaabo basiid ah balse xalka la baadi goobto iyadoo ka caawinaysa waxyaabaha ay awoodi karto.

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Warar Kale [ Other News ].
« »

Comment: