Calendar

wasaarada amniga somalia oo barlamanka ka dalbatey meelmarinta sharciga ladagalanka argagixisada

Wasaaradda wasaarada amniga Qaranka ayaa cadeyey in ay ka go’antahay sugidda nabadgelyada dalka, sido  kalena sheegatay in Baarlamaanka ay mardhow u  gudbin doonto sharciga ladagaallanka argagixisada.

Wasiirka Amnniga Qaranka ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed oo shalay ka jawaabayay su’aalo ay weydiiyeen xildhibaannada baarlamaanka ayaa hoosta ka xariiqay in Wasaaraddu ay dar dargelineyso qorshaha xagga amniga ee looga hortagaya falalka ay maleegayaan dhagar qabayaasha Al-Shabaab.

Mudane Cabdikariin ayaa yiri “Ammaanka waxa uu u baahanyahay in la qaato go’aano adag oo xagga sharciga ah, in la soo saaro go’aano qaraar ah, sharciyo adag, waxaan idinka codsanayaa in aad meel marisaan hindise sharciyeedka la dagaallanka argagixisada ah, maadaama ay dhibaato ku hayaan bulshada” ayuu yiri Wasiirka amniga.

Wasiirka amniga ayaa xusay in hay’adaha amniga ay fashiliyeen qorshayaal badan oo ay maleeshiyaadka Al-Shabaab maleegayeen, kuwaasi oo uu ku sheegay inay ku doonayeen sidii ay ugu dhibaateyn lahaayeen bulshada Soomaaliyeed.

Comments

comments

Category : Featured.
« »

Comment: