read more »">
Calendar

raisul wasaaraha somalia oo booqdey wasaarado kamid ah xukuumaddiisa

raisul wasaare Abdiwali sheekh ayaa maanta kormeer shaqo ku kala bixiyay dhowr wasaaradood oo kamid ah xukuumaddiisa, rasulwasaaraha ayaa waxaa uu warbixino ka dhagaystay howl wadeenada wasaaradahaasi oo kala ah wasaarada boostada iyo isgaarsiinta, wasaaradda tamarta iyo biyaha iyo wasaaradda macdanta iyo batroolka,

dhinaca kale ra’sulwasaaraha  ayaa howl-wadeennada ka shaqeeya wasaaradaha uu booqday u sheegay inay hayaan shaqo muhiim u ah qaranka Soomaaliya.

Wasiirka boostada iyo isgaarsiinta, Maxamed Ibraahim Aadam oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in booqashada ra’iisul wasaaraha ay ku saabsaneyd u kuur-gelidda xaaladaha ammaan iyo shaqo ee wasaaradaha.

Wasiir Maxamed ayaa intaas ku daray inay ku wareejiyeen ra’iisul wasaaraha buug ay ku qoran yihiin waxyaabaha ay qabteen seddexda wasaaradood.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: