Calendar

dowlada Somalia oo xukuumada Kenya baaq u dirtey

Raisul wasaaraha dowlada Somalia, ABdiwali Sheekh
Axmed waxa uu kulan la qaatay
Danjiraha Somalia u jooga dalka
Kenya, Ambassador Mohamed Ali
Ameriko, oo ay kaga hadleen
xaalladihii ugu dambeeyey ee ay
ku sugan yihiin dadka Soomaalida
ee ku nool dalka Kenya.
Danjiraha waxa uu Ra’isul-
wasaaraha u gudbiyey Warbixin la
xiriirta falkii ay Boliska Kenya kula
kaceen Qunsulka Guud ee
Safaaradda Somalia, Siyaad
Maxamuud Shire, kaasi oo dhowr
saacadood lagu hayey Xabsiga
Saldhig ku yaalla Nairobi.
Ra’isul-wasaare C/weli Sheekh
Axmed waxa uu sheegay inay
Xukuumaddu walaac xooggan ka
muujinayso xarigga Muwaadiniinta
Soomaalida ee weli ku xiran dalka
Kenya.
Waxa uu tilmaamay in inta badan
Soomaalida ku nool gudaha Kenya
inay yihiin Muwaadiniin Nabadda
Jecel, isla markaana ay kaalin ka
qaataan horumarka Dhaqaalaha
Kenya.
“Xukuumadda Somalia waxay
xiriiro kala samaysay Xukuumadda
Kenya arrimaha xarigaasi,
waxaana rajeynayaa inay
Xukuumadda Kenya samayn
doonto dadaal kasta oo hubaal
lagu gelinayo ammaanka dadka
Soomaaliyeed ee aan waxba
galabsanin” ayuu yiri Ra’isul-
wasaare C/weli Sheekh Axmed.
Ra’isul-wasaaruhu waxa uu
carrabka ku dhuftay inay
Dowladda Kenya ka sugayaan
faahfaahin ama jawaab rasmi ah
ka bixiyaan xarigii Qunuslka Guud
ee Safaaradda Somalia ee Kenya,
Siyaad Maxamuud Shire.
Waxaana uu intaasi ku daray inuu
falkaasi meel ka dhac ku yahay
Xasaanadda Diplomaasiyadeed,
waxaa kaloo uu xusay in xariga
lagu hayo dadka Soomaalida inuu
keeni karo habscasnaan ku
yimaada isfahamka Labada
Xukuumadood.
Ra’isul-wasaaraha waxa kaloo uu
ka hadlay Xiriirka ay Kenya iyo
Somalia leeyihiin oo uu tilmaamay
inuu yahay mid xoogeysanayo, isla
markaana ay si wadajir dadaal ugu
jiraan sidii looga hortegi lahaa
cabsida ay Kooxaha loogu yeero
Argagixisadda ku hayaan nabadda
labada wadan

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: