Calendar

Wasiirka Cusub ee Wasaarada Dekadaha iyo Gaadiidka Baadda Puntland oo la wareegay xilka wasaarada (Sawirro)

Bosaso_ Wasiirka cusub ee wasarada Dekadaha Gadiidka Badda Cabdullaahi Jaamac Saalax  ayaa manta si toosa ula wareegay masuuliyada Wasaradasi, kadib munaasabad ballaaran oo ka dhacday xarunta wasaarada ee magaalada Bosaso.

Munasabada Xil wareejinta waxaa kaqaybgalay dhamaan shaqaalaha wasaarada, maamulka gobalka Kan degmada iyo masuuliyinta cusub ee wasaarada.

Wasiiru dolihii hore ee wasaarada Dekadaha iyo gadiidka Badda C/shakuur Mire Aadan oo uu wasiirkii hore ee wasaarada Eng. Siciid Maxamed Raage usoo wakiishay inuu xilka ku wareejiyo Wasiirka cusub ayaa sheegay in masuliyinta wasaradu ay wax badan qabteen  shantii sano ee lasoo dhaafay.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada dekadaha iyo Gaadiidka Badda C/xamiid Samatar Maxamuud (Jaafaan) ayaa sheegay in uu jiro mashruuc lagu ballarinayo dekada oo ay ku taageran wasaarada Hay’addaha UN_ka iyo Dalalka Daneeya Arrimaha Somaliya.

Ugu Dabayn Wasiirka cusub Cabdullaahi Jaamac Saalax  oo kahadlay munaasabada xil wareejinta ayaa sheegay inuu ku dadaali doono sidii loo ballaarin lahaa Dekada Bosaso, waxaana uu xusay in dekadu ay tahay isha dhaaqalaha Pl. loona baahan yahay in laga hirgeliyo adeegyada Aasasiga u ah.

Wasiirka ayaa kormeer ku sameeyay xafiisyada wasaarada waxaana uu kala sheekaystay hawlaha shaqo ee ay hayaan agaasima waaxeedyada wasaarada, isagoona sidoo kale kusoo wareegay qaybaha kala duwan ee Dekada, waxaana uu u kuurgalay qaabka ay usocoto shaqada Dekada.

Dhowaan ayay ahayd markii uu madaxweyne Cabdiweli Soo magaacabay gollihiisa Wasiirada, waxaana maalmahan ay wasiirada cusub iyo kuwii hore ku mashquul sanaayeen lakala wareegida masuuliyada wasaaradaha.

??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ???????????????????????????????

Bartamha.com

 

 

 

 

Comments

comments

Category : Featured.
« »

Comment: