Calendar

Xildhibaanada Puntland oo Ansixiyay xeer hoosadka ay ku shaqayn doonaan

Garowe _ Mudanayaasha Baarlamanka dowlada Puntland ayaa maanta kullan ay ku yeesheen xarunta gollaha Baarlamanka ee magaalada Garowe  waxa ay ku Ansixiyeen xeer hoosaadka uu ku shaqaynayo Baarlamanku.

Kulanka ayaa waxaa shir guddoominayay guddomiyaha Baarlamanka Puntland Siciid Xasan Shire, waxaana soo xaadiray ku dhowaad 45- xildhibaan.

Xildhibaanada ayaa ka dooday xeer hoosaadka, waxaana ugu dabayntii cod gacan taaga ku ansixiyay 43- mudane, Guddomiyaha ayaan codayn hal xildhibaana waa ka aamusay.

Xeer hoosadka la ansixiyay ayaa inta aan la hor kiinin Baarlamanka waxa loo saaray guddi dib u eegis ku sameeya sida uu sheegay mid kamid ah mudanaysha baarlamanka.

www.Bartamaha.com

Xafiiska Puntland

 

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: