Calendar

Wasiirka Gaashaandhiga oo tagay Garbahareey, kana badbaaday weerar

Wafdi uu hogaaminayay wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa tagay magalada Garbahareey ee gobolka Gedo.

Cabdi Xakiin Fiqi iyo wafdigiisa oo iskugu jirey saraakiil sarsare oo ciidamada dowlada, saraakiil ka socotey AMISOM iyo wadamada dariska ah ayaa waxa u safarkooda salka ku hayay iney soo indha-indheeyaan howlgaladda ka socda gobolka Gado.

Wasiirka Gaashaandhiga ayaa sheegay in ciidamada dowlada ee jooga goboladda koofurta loo bilaabayo mushaaradka, maantane la siinayay ciidamada jooga magalada Garbaharey, waxana sidoo kale ciidamada loo qeybiyay yunifom-ka military-ga.

Weerar fashilmay

Diyaaradii helicopter-ka ee waday wafdiga wasiirka gaashaandhiga ayaa lala eegtey hoobiyaal, xilli ay kazoo dagaysay magalada Garbahareey, wallow aysen jirin wax qasaaro oo soo gaarey.

Sida uu sheegay Maxamuud Sayid Aadan oo kamid ah hogaamiyasha gobolka in qasaaro ay gaarsiiyeen kooxihii ka tirsanaa Al shabaab ee weerarka geystey, ayna ka dileen 2 qofood halka ay Shan kalane ay ka dhaawaceen.

Wasiirka Gaashaandhiga ayaa safarkiisa la soo gaabiyey isagoona dib ugu laabtey magalada Muqdisho, waxana uu saxafada u sheegay in guul ugu soo dhamaaday safarka u ku tagay Gedo.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Featured.
« »

Comment: