Calendar

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya oo kulamo kula leh Addis ababa saraakiil Itoobiyaan ah

FiqiWasiirka Gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya  C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi oo ku sugan magaalada Addis ababa ee xarunta dalka Ethiopia ayaa halkaa kulamo kula leh madaxda ugu saraysa dalkaas iyo Saraakiisha ciidamada wadanka Ethiopia.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegay in kulamo uu la qaatay dhigiisa wadanka Ethiopia  iyo taliyaha ugu sareeya ciidamada Milateriga dalkaas oo uu tilmaamay iney ka wada hadleen sidii ay labada dal iskaga Kaashan lahaayeen xoojinta nabadgalyada.

Waxaana sidoo kale ay labada dhinac iska waraysanayaan ciidamada Itoobiya oo goobo kamid ah gobolka Bay oo ay ku sugnaayeen fariisamooyinkoodii faarujiyay.

Inkastoo saraakiil ka tirsan dawlada Soomaaliya ay sheegeen in ciidamada Itoobiya aysan si rasmi ah u wada baxaynin ilaa laga xoreeyo meelaha dhiman ee gobolka ayaa hadana wararku sheegayaan in ay dadweynuhu arkeen ciidamada Itoobiya oo sii baxaya.

 

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: