read more »">
Calendar

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya oo iska fogeeyay warqad ay daabacday warbaahinta qaarkeed

Qaar kamid ah warbaahinta Soomaalida ayaa daabacday warqad uu ku saxiixanyahay wasiirka warfaafinta Soomaaliya C/laahi Ceelmooge Xirsi taasoo ku eedaynaysa madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo Xildhibaanad Caasho Xaaji Cilmi oo ah marwada Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya inay ku lug leeyihiin heshiiska ay dawladu la gashay shirkadda maanta la wareegtay ayraboorka Aadan Cade ee magaalada Muqdisho.

Shirkadan oo lagu magacaabo FAVORI LLC  ayaa laga leeyahay dalka Turkigu waxaana warqada ay warbaahintu daabacday ku dhigan in warqadu ay ku socoto nin ka tirsan gudiga qaramada midoobay ee kormeera arrimaha la xiriira cunaqabataynta hubka,musuqmaasuqa iyo arrimaha ka dhanka sharciyada caalamiga ah.

Qoraal uu soo saaray maanta Ceelmooge oo uu diray qaar kamid ah warbaahinta Soomaalida ayuu ku sheegay in saxiixiisa la been abuurtay oo la koobiyeeyay, looguna talagalay in lagu sumcad dilo la isagana horkeeno masuuliyiinta dawlada Soomaaliya.

Ceelmooge ayaa uga digay warbaahinta Soomaalida kuwooda sharafta leh inay daabacaan warar aan la hubin, wuxuuna sheegay in warbaahinta qaarkeed ay leeyihiin qabqablayaal saxaafadeed oo badalay qabqablayaashii dagaalka taasoo uu ula jeedo idaacada Shabeelle oo mar walba iyadu tabisa warar ka dhan ah masuuliyiinta qaranka sida uu sheegay.

“Ka joogsan mayaan sumcad dilida hogaamiyayaasha qaranka iyo dadka sumcada ku dhex leh bulshada tan iyo inta cadaalada laga horkeenayo” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Soomaaliya oo ay qoraalkiisa caro wayni ka muuqatay.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Featured.
« »

Comment: