Calendar

Hogaamiyayaasha Soomaalida oo wada gaaray magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo,madaxweynaha Puntland iyo wafdi uu horkacayo iyo madaxweynaha Jubbaland iyo wafdigiisa ayaa dhammaantoodba gaaray magaalada Brussels oo la filayo inuu ka furmo shirka New deal ee la doonayo in Soomaaliya loogu yabooho malaayiin lacag ah oo lagu sameeyo dib u dhiska dalka ka bilaabanaya.

Waxaana wararku ay sheegayaan in madaxweynaha Puntland oo u dambeeyay masuuliyiinta gaadhay Brussels uu xalay ka ambabaxay waddanka Imaaraadka Carabta, iyadoo Puntland ay si madaxbannaan shirkan uga qaybgalayso xilli ay gabi ahaanba xiriirkii u jartay dawlada Soomaaliya.

Intii qabanqaabada shirku ay socotay ayaa midowga Yurub ay ka ogolaadeen Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed inuu si madaxbannaan shirkaas uga soo qaybgalo kadib markii uu ka biyo diiday inuu hoostago madaxweynaha dawlada Federaalka.

Waxayna sheegeen qaar kamid ah saraakiisha la socoto madaxweyne Faroole oo la hadlay Bartamaha in Puntland si rasmi ah shirka loogu martiqaaday lana siin doono madaxweynaha Puntland fursad uu ku jeediyo khudbad u gaar ah oo uu kaga hadli doono waxyaabaha ay ku tillaabsatay iyo waliba qorshahooda sannadaha soo socda.

Waxaana shirkan markii ugu horreysay iyadoo aqoonsi ka haysta dawlada dhexe ka qaybgalaya wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Jubbaland sheekh Axmed Madoobe oo ay tahay shirkii ugu horreeyay ee caalami ah oo ay ka qaybgalaan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xassa Sheekh Maxamuud ayaa ka hor intaanu shirka u dhoofin ka dhawaajiyay in shirkan Brussels uu yahay mid taariikhi ah oo wax wayn ka tari doona dib u dhiska Soomaaliya.

Midowga Yurub ayaa la filayaa inay ugu deeqaan Soomaaliya lacag gaaraysa hal Bilyan oo Yuuro taasoo inteeda badan lagu soo dhisayo adeegyada dawladnimo sida caafimaadka,waxbarshada,ammaanka,waddooyinka iyo dhisitaanka xarumaha muhiimka ah ee dawlada.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: