read more »">
Calendar

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya oo si diirran loogu soo dhaweeyay Nairobi

Waxaa xaflad wayn loogu qabtay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya wasiirka warfaafinta,boostada,isgaarsiinta iyo gaadiidka Soomaaliya C/laahi ceelmooge Xirsi.

Waxaana uu ka hadlay arrimo badan oo ay kamid tahay waxqabadka dawlada iyo arrimaha ka taagan gobollada Jubbooyinka.

Wasiirka ayaa rajo ka muujiyay in xal laga gaaro khilaafaadka Jubbooyinka isagoo sheegay in dawlada Soomaaliya ay ka go’antahay soo afjarida murankaas.

Waxaana kulankaas ka qaybgalay taliyaha ciidamada booliska Soomaaliya Gen. C/xakiim Daahir Saciid.

Taliyaha ayaa sheegay in Soomaaliya lasoo celin doono amnigeeda isagoo ka hadlay qorshe ballaaran oo 4sano oo dib u habayn lagu samaynayo ciidamada booliska iyo tababarkooda.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo kulankaas ka hadlay ayaa iyaguna ka digay wax ay ku tilmaameen siyaasiyiin doonaya inay mansab siyaasadeed ku raadsadeen khilaafaadka ka taagan gobollada Jubbooyinka.

Xildhibaanadan ayaa sheegay inaan la aqbali doonin in laga dhex faa’iidaysto khilaafaadkaas oo ay sheegeen in wadahadal lagu dhammayn doono.

Xaflada loo sameeyay wariirka oo ahayd mid saacado dheer socotay ayaa waxaa heeso ka qaaday fanaaniin caan ah iyadoo sidoo kalana gabayo lagu soo bandhigay

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Featured, Photos.
« »

Comment: