Calendar

Dawlada federaalka ah oo wafdi u dirtay Galmudug

???????????????????????????????Wafdi ballaaran uu hogaaminayo Wasiir ku xigeenka Maaliyada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxaa ay gaareen Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, iyagoona kulamo la qaatay Mas’uuliyiinta Maamulka Galmudug.

Wafdigan uu hogaaminyo Wasiir ku xigeenka Maaliyada Dowladda Soomaaliya Abuukar ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Gaalkacyo si diiran ugu soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug waxaana ay wada qaateen kulamo ku aadan Shirka New Deal ee la filayo in dhawaan uu ka dhaco Dalka Biljimka kaas oo lagu lafa guri doono Dhaqaalaha Dalka Soomaaliya.

Maamulka Galmudug ayaa dhawaan waxaa ay sheegeen inay ka qeyb galayaan Shirka New Deal waxaana labada dhinac ee Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Galmudug la filayaa Kulamadooda kale inay diiradda ku saraan waxyaabihii ay la tagi lahaayeen Dalka Bilkimka.

Waxaana uu ku soo beegmayaa xilliga ay tageen wafdiga ka socda dawlada magaalada Gaalkacyo iyadoo madaxweynaha Galmudug Cabdi Xassan Cawaale Qaybdiid uu goor sii horraysay shaaciyay inuu dhexdhexaadin doono dawlada dhexe iyo maamul goboleedka Puntland oo dhawaan shaaciyay inay xiriirkii u jareen dawlada.

Lamana oga in labada dhinac ay isla soo qaadi doonaan arrinka Puntland oo madaxweyne qaybdiid uu walaac ka muujiyay meesha uu gaaray.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: