Calendar

Wasiiro katirsan Soomaliland oo shil gaari ku dhaawacmay

Berbera_ Labo wasiir oo ka tirsan maamulka Soomaliland ayaa ku dhaawacmay shil gaari, oo ka dhashay labo gaari oo isku dhacay, xili ay kusii jeeden magaalada Berbera.

Wasiiradan ayaa kamid ahaa wafdi uu hogaaminayay madaxweynaha maamulka Soomaliland Axmed Siilaanyo, waxaana ay kala yihiin wasiirka caafimadka iyo Wasiirka warfaafinta maamulkasi.

Wararka ayaa sheegaya inuu gacan ka jabay Wasiirka Warfaafinta Cukuse, halka xaalad miyir doorsan uu ku jiro Xagla toosiye Wasiirka caafimadka maamulkasi.

Wasaaradda Caafimadka Soomaliland ayaa udirtay gurmad caafimad, iyadoona la sheegay in loo qaadi doono Hargaysa.

Xaalada labada Wasiir ayaa ah mid aad u adag, waxaa kale oo jira dadkale oo ay waxyeelo soo gaartay.

www.Bartamaha.com

Comments

comments

Category : Latest Somali News, Wararka Maanta.
« »

Comment: