Calendar

Xuska Maalinta Xorriyadda Saxaafadda oo maanta muqdisho ka dhacday.

3 may

Munaasabadda oo ay qaban qaabadeeda lahayd wasaaradda wasaaradda warfaafinta, Boostada iyo isgaarsiinta ayaa Masuuliyiintii uga Qeyb galay Dowladda KMG Soomaaliya waxaa ka mid ahaa C/qaadir Xuseen Maxamed (Jahweyn) Wasiirka warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta, Wasiirka Qorsheynta, iyo wasiirka Dastuurka Saxafiyiinta.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta Boostada iyo isgaarsiinta Mudane C/qaadir Xuseen Maxamed “Jahweyn” ayaa sheegay in dowladdu ay Mas’uuliyad iska saari doonto xuriyadda saxaafadda, iyo hadalka xuriyadda saxaafadda, isagoo soo dhaweeyay bayaanka ay soo saareen Suxufiyiinta.

Sidoo kale waxaa munaasabadaasi ka hadlay Wasiirka wasaaradda Qorsheynta iyo wasiirka dastuurka iyagoo suxufiyiinta kula Dardaaramay inay wanaagga islamarkaana ay iska ilaaliyaan buunbuuninta hadalada siyaasadeed ayana ka shaqeeyaan danaha dadka iyo Dalka Soomaaliyeed Masuuliyiintii ka soo qeyb galay waxaa ka mid ahaa Agaasimayaasha Idaacadaha ka howlgala Muqdisho, inta badan Suxufiyiinta ka howlgala Magaalada Muqdisho iyo marti sharaf kale, waxaana diiradda lagu saaray sidii suxufigu u badbaadi laa Howshiisana u qabsan lahaa isagoo xor ah oo aan la caburin, la xirin, la jirdin ama la dilin.

Munaasabadda waxaa intii ay soconeysa looga dooday sidii xusufigu uu howshiisa u gudan lahaa isagoo aan la dhibaataynayn iyo sidii uu Isaga ilaalin lahaa dhibaatooyinka ka dhalan kara oo uga imaan kara bulshada dhexdeeda. Xuska Maalinta Xorriyadda Saxaafadda oo Maanta ku beegnayda ayaa qaabkii maanta loo xusay iyo sidii hore ee loo xusi jiray markii lays bar bardhigo waxaa u dhexeeya farqi Weyn waayo maanta waxaa loo xusay qaab aan horay loogu suxin Muqdisho.

Ugu dambeyntii Wariyeyaashii ka qeyb galay munaasabadaasi ayaa wax soo saareen bayaan ay ku qornaayeen qodobbo muhiim u ah Saxaafadda oo ay ka mid ahaayeen in ahmiyad la siiyo nabadgelyada suxufiga, in aan fursad la siinin kooxaha ka soo horjeeda nidaamka Dowliga ah, in aan la buunbuunin kooxaha xadgudubyada ku haya ummadda Soomaaliyeed iyo qodobo kale.

Xafiiska wararka bartamaha muqdisho

3 maywariyaashafanaanin

Comments

comments

Category : Latest Somali News.
« »

Comment: