Calendar

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli gaas oo maanta kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshadda.

c weli gaasMuqdisho, May,03, 2012—– Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshadda, sida Ururada ,Xubno ka tirsan Culumaa’udiinka Ahlusunna Waljamaaca, iyo dhalinyaradda.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlayay Arrimaha Road-map-ka Amniga, Dib-u- hashiisiinta, Dhameystirka Dastuurka iyo sidii looga bixi lahaa Kumeel gaarnimada oo loo heli lahaa dowladd rasimi ah iyo waliba doorka ay ka qaadan karaan dhalinyaradda Odey dhaqameedyada iyo Culumaa’udiinka Ahlusunna Waljamaaca.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in kulanka uu ku saabsan yahay in dowladda iyo Bulshada qeybaheeda kala duwanba ay ka qeyb qaataan Isbedeladda ay xukuumada wado islamarkaana tilmaamay in dowladda ay tahay dowladd shacbiyadeed.

Ugu horeyntii waxaa goobta ka hadlay Guddoomiyaha dhalinyaradda Qaranka Soomaaliyeed, Cabdulaahi Maxamed Nuur, wuxuuna fariin u gudbiyay Ra’iisul Wasaaraha isagoona tilmaamay in dhaliyaradda Soomaaliyeed ay yihiin laf dhabarka dalka islamarkaana ay yihiin kuwa diyaar u ah in xal loo helo dhibaatooyinka Soomaaliya.

“Dhaliyaradda waa kuwa ugu badan ee saameyn ku yeelatay dhibaatooyinka Soomaaliya ka jiray 20 sano ee la soo dhaafay, waana kuwa u nugul in heekal dowladdnimo raba maadaama ay dhibaatooyin badan la kulmeen sida, Dilal loo geysta dhaliyaradda, Dhaawacyo, Waxbarasho la’aan, badaha oo ay ku dhamaadeen iyo waliba kooxo u adeegsada dhalinyaradda falal Argagaxnimo.” ayuu yiri.

Sidoo kale, Guddooyimaha Ururada Bulshada Banaadir ayaa isna dhiniciisa tilmaamay in dhibaatooyinka ugu badan Soomaaliya ay ka dhacayeen gobalka Banaadir ee Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, inkastoo uu sheegay in bilooyinkii u dambeeyay ay xukuumadda dadaal dheer u gashay iney xasiliso gobalka Banaadir ee Magaalada Muqdisho iyo gobalada qaar ee dalka kadib markii laga xureeyay Al-Shabaab.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Dr,Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa sheegay in xukuumadiisa ay diyaar u tahay iney wada shaqeen joogta ah la yeelato qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, ayaa sheegay in Dhalinyaradda, Haweenka, Culimadda, iyo qeybaha kale ee bulshada ay xubin muhiin ah ka yihiin xukuumadiisa iyo dalkaba loona baahan yahay iney ka wada shaqeeyaan marxaladaha imminka lagu jiro iyo dadaalada la doonayo in lagu dhiso dowladd rasmi ah oo ay yeelato Soomaaliya.

- DHAMAAD -

12

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: