Calendar

Ahlu sunnah oo dishay Wiil shabaab ah.

shababdil1Bartamaha  (Muqdisho):- Ciidanka Ahlu sunnah Wal Jamaaca ee Magaalada Muqdisho ayaa xalay toogasho bareer ah u gaystay wiil dhalinyara ah oo la sheegay in uu shabaab ahaa.

Wiilka dhalinyarada ah ayaa Xalay lagu toogtay xaafada Ceeldheere Ee Degmada Dharkenley ka gadaal markii Ciidanka Ahlu sunnah ay wiilkaasi kala soo bexeen hoygii uu ka daganaa Xaafadaasi.

Wiilka ayaa la sheegay in uu shalay soo galay xaafada oo uu waayadan ka maqnaa waxaana markii laga warhelay xalay ay Ciidanka ahlu sunnah ku hareereeyeen guriga uu daganaa oo ay kala soo bexeen.

Wiilka dhalinyarada ah ayaa la sheegay in uu ka mid ahaa dhalinyarada Alshabaab ee sida weyn looga yaqaanay deegaankaasi isagoo u badnaa suuqa Bakaaraha wallow shalay uu muddo ka dib yimid gurigii uu daganaa.

Wiilka dhalinyarada ah ayaa waxaa lagu hor dilay guriga uu daganaa markii laga soo saaray ka dib waxaana Saraakiisha ahlu sunnah ay qireen in ay dilkaasi iyagu fuliyeen markii ay ogaadeen in wiilkaasi uu shabaab ahaa ammaan darana agaasimayay.

Xaafadaha Degmada Dharkenley ayaa waxaa dhawaanahan la dajiyay Ciidanka Ahlu sunnah Wal Jamaaca oo bilaabay in ay si gaar ah u beegsadaan dhammaan dhalinyarada xiriir wadaaga la ah maleeshiyaadka shabaabka .

Tan iyo markii Ciidanka Ahlu sunnah la dajiyay Deegaankaasi ayaa waxaa la waayay dhammaan Kooxihii qaraxyada ka gaysan jiray Degmada Dharkenley oo dhowr boqol oo dhalinyara ah oo falalkaasi lala xiriiriyay horay loo xerxeray.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.

[email protected].


Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: