Calendar

Al Shabaab oo Awaamir adag kusoo rogtay Dad ku shaqaysta Dameeraha magaalada Baydhabo.

dameerBARTAMAHA (Muqdisho) :-Maamulka Islaamiga magaalada Baydhabo ayaa awaamir adag kusoo rogay dadka ku shaqaysta Xayawaanada nool.

Wararka nagasoo gaaraya magaalada Baydbabo ayaa xaqiijinaya in Maamulka Islaamiga Bay uu soo saaray wareegto lagu mamnuucayo xad gudub lagula kaco xayawaanada dameeraha.

Wakiilka Al Shabaab uqaabilsan arrimaha Bulshada Gobalka Bay Shiikh Cabdi Casiis Xasan ayaa sheegay in ay mamuuceen wax kasta oo dhib ukeeni kara Dameerada lagu shaqaysto sida.

1-in aan tan badan lagu rari karin gaari dameerada.
2-in aan Dameeraha loo isticmaali karin Kaniiniga maanka dooriya.
3-in aan liijaan lasuri karin dameeraha
4-in aan dameeraha lagaraacin ama aan jirkooda la bushin si ay wax badan uqaadaan.

Go’aanadaas ay soo saareen maamulka Al Shabab gobalka Bay ayaa la sheegay in uu Baydhabo iyo Xudur ka dhaqan geli doono 3-maali kadib.

“Wareegtada aan soo saarnay waxay waafaqsantahay shareecada islaamka oo amraysay in Xayawaanada gaadiidka ah loo dhimriyo” ayuu yiri Wakiilka arrimaha Bulshada Gobalka Bay

Ilaa iyo hadda lama oga sida ay go’aanadan u aqbali karaan Dadka ku shaqaysta dameeraha lagu xiro gaari dameerada.

BARTAMAHA/RBC Muqdisho Somalia

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: