Amisom oo taangi la beegsatay Tawer-ka Shirkada Nationlink Ee Degmada Shibis.

Posted on Nov 3 2010 - 1:44pm by News Desk
Tweet
Pin It

tawerBartamaha (Muqdisho):- Ciidanka Amisom ayaa saacada ka hor dhulka soo dhigay Tawer-ka Shirkada Isgaarsiinta Nationlink Ee Degmada Shibis.

Sida warar xog-ogaal ah ay sheegayaan waxaa maanta dhulka soo dhacay Anteenadii ugu dheereed Muqdisho oo ay lahayd Shirkada Isgaarsiinta Nationlink taasi oo ay beegsadeen Ciidanka Amisom.

Taangiyada Amisom ayaa si garba siman ah maanta Madaafiic ula beegsaday Taawarka ka gadaal markii muddo dheer ay dhibaata ku qabeen sida warar xaqiiqda u dhow ay sheegayaan balse maanta ay soo rideen Tawerkii.

Islaamiyiinta ayaa la sheegayaa in ay dhowr jeer dusha sare ka tageen Tawerka ka dibna ay toogasho la beegsanayeen Ciidanka Amisom ee Madaxtooyada ku sugan iyo kuwa aagaga hore ka jooga woqooyiga Muqdisho.

Qaar ka mida dadka ku harsan Degmada Shibis ayaa sheegaya in Ciidanka Amisom ay saaka madaafiic la beegsanayeen Tawerka shirkadaasi oo markii danbe ay dhulka dhigeen markii dhowr madfac uu ku dhacay.

Waa markii ugu horaysay oo si bareer ah ay Amisom madaafiic dhulka kula sinto Tawerada shirkadaha Isgaarsiinta Ee ka shaqeeya Magaalada Muqdisho.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.

[email protected].