Calendar

Cidda iska leh Abaabulka Mooshinka ka dhanka ah Ra’isal Wasaaraha oo la soo ogaaday

Xog Hoose : Warar ay Heleyso Shabakadda Allcaasimada.com ayaa waxaa lagu soo ogaaday Maskaxda ka dambeysa Mooshinka ka dhanka ah Ra’isal Wasaare Saacid iyo Xukuumaddiisa iyo Meesha laga soo abaabulay.

Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdi Raxmaan Sheekh Max’ed Faroole ayaa la sheegay in ay Xildhibaanada Mooshinka gudbiyay siiyeen Midkiiba Lacag dhan 3000 oo dollar.

Lacagtaan ayaa loo wakiishay Xildhibaanada kala ah C/Risaaq Jurille iyo Xildhibanad Fowsiyo oo horay u ahayd Wasiiraddii Umuuraha Haweenka.

Ilaha Shabakadda ay ka heleyso Xogtaan ayaa waxa ay Beesha Caalamka ka dalbadeen in dadkaasi carqaladda ku ah Hor u socodka Umadda Soomaaliyeed loo aqoonsado dad ka caagan siyaasadda Soomaaliya islamarkaana tallaabo deg deg ah laga qaado.

Sidoo kale eedeyntaan ayaa waxaa lagu soo daray Xildhibaan Cali Khaliif Galleyr iyo Xildhibaanad suuri Diiriye Carab kuwaasi oo dhammaan  ka mid ah dhinacyada loo wakiishay in ay Mooshinka ka keenaan Xukuumadda Ra’isal Wasaare Saacid.

Ilahaan oo diiday in Magacooda loo adeegsado Warbaahinta ayaa sheegay in Caalamka ay ka codsanayaan in dadkaasi lo aqoonsado spoilers.

Sikastaba Xukuumadda Soomaaliya ayaa laga gudbiyay Mooshin ay si wey uga soo Horjeesteen inta badan qeybaha Bulshada Soomaaliyeed   islamaarkaana ay ku tilmaameen Qaran dumis dan shaqsiyadeed

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: