Calendar

Ammaanka Magaalada Gaal-Kacyo oo la adkeeyay iyo Howlgalo dad lagu soo qabqabtay oo Booliiska ay sameeyeen.

woqoyiga gal-kacyoBartamaha(Gaal-Kacyo):-Ammaanka guud Ee Magaalada Gaal-Kacyo ayaa si weyn loo adkeeyay iyadoo Ciidamada ammaanka ay bilaabeen sugida ammaanka Magaalada.

Magaalada Gaal-Kacyo gaar ahaan dhanka Woqooyi ayaa waxaa shalay illaa xalay dhaqdhaqaaqyo ka waday Ciidamada Booliiska kuwaasi oo gacanta ku soo dhigay dhalinyaro ammaan daro loga shakiyay.

Howlgalada ay Ciidamada ku dhaqaaqeen ayaa waxaa lagu soo qabqabtay dhalinyaro looga shakiyay abaabulka qaraxyo iyo Ismiidaamin ka dhacda Magaaladaasi.

Taliyaha Ciidamada Booliiska Magaalada Gaal-Kacyo Muuse Xasaasi oo saxaafada la hadlayay ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada Ammaanka ay soo qabteen Koox lagu soo wargaliyay Booliiska in ay ammaanka halis ku yihiin.

Howlgalka ayuu sheegay taliyaha in ay ku soo qabteen illaa 18-dhalinyaro looga shakiyay abaabulka qaraxyada iyo dilalka dhawaanahan ka dhacayay Magaaladaasi.

Ammaanka ayaa u muqda mid isbadal uu ka muuqdo iyadoo Ciidamada Booliiska ay wadaan la socodka dhaqdhaqaaqa dadka shakiga lga muujiyo kuwaasi oo u badan dhalinyarada.

 

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: