Calendar

Ciidamada Dowlada oo saaka xeray dhammaan wadooyinka soo gala Degmada Wadajir.

cusuBartamaha(Muqdisho):-Askarta Dowlada Fd Soomaaliya ayaa saaka waxa ay xereen dhammaan wadooyinka soo gala Degmada Wadajir Ee Magaalada Muqdisho halkaasi oo ay joogaan madaxda Dowlada KMG ah .

Sida aynu ku helnay warka waxaa saaka Ciidamada Dowlada ay isku fidiyeen dhammaan wadooyinka Degmada Wadajir halkaasi oo ay gaareen Saraakiil sare iyo Madax Dowlada ka tirsan.

Rasas ayaa laga maqlayaa meelaha qaar oo ay ridayaan Ciidamada Dowlada kuwaasi oo isku fidiyay wadooyinka Degmadaasi Wadajir iyadoo ay gawaarida iyo dadka soo galaya degmadaasi ay u diideen.

Warar hoose ayaa sheegaya in Madaxweynaa Dowlada KMG ah iyo Madax la socota ay booqanayaan Ciidamo ku sugan Degmadaasi Wadajir iyadoo aan illaa haatan jirin ci d si rasmi ah uga hadashay dhaqdhaqaaqa socanya.

Wixii ku soo kordha Xaalada Degmadaasi kala soco www.Bartamaha.Com

 

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: