read more »">

Calendar

Amni Darrada kusoo korortay Muqdisho, Suaalo iyo Jawaabo

NO DULQAAD
Maalmahaan dambe magaaladeennii Xamar waxaad mooddaa inay faraha kasii baxayso oo dowladduna aysan garanayn halkay wax ka bilaabi lahayd, Suaalo badan ayaa maskaxdaada dhex maraya ee aan idin fahansiino amni darrada Muqdisho ka taagan, annaguna aan isku dayno inaan idiinkaga jawaabno.

Waa maxay Qaraxyada iyo Hoobiyaha ku socda Xamar?
Magaalada Xamar ayaa beryahan dambe waxaa ku soo kordhay qaraxyo is miidaamin ah, Baabuur walxo qarxa laysu geliyo iyo Hoobiyeyaal habeen dhaaf u socda, kuwaas oo qaar ay Shabaab sheegteen. ilaa iyo haddana cid loo qabtay inay falalkaas ka dambeeyeen ma jirto, Hay’adaha dowladduna waan baaraynaa weli ma dhaafsiisna jawaabahaan ka rabnay.

Maxaa Sababay?
Suaashaas waxaa fiican inay ka jawaabaan wasiirka Amniga, Taliyaha Booliska iyo Taliyaha Nabadsugidda laakiin intaan ognahay waxay tahay in Al Shabaab ay ka dambeeyaan qaraxyada is miidaaminta iyo Hoobiyeyaasha habeenkii soo dhaca oo sii badanaya, inkastoo dad badani ay qabaan Hoobiyeyaasha in dad dano gaar ah leh ay soo tuuraan habeenimadii. Ogsoonoow shacabka magaalada Muqdisho ayaa qaarkood aysan ku qanacsanayn dowladda Madaxweyne Xasan Shiikh sida ay wax u wado waxaana mooddaa inay dhabarka u jeediyeen taasina waxay sababaysaa in amnigu uu dhexda ka baxo.

Maxaa Hoobiyeha Habeen kaliya loosoo tuuraa?
Dhuumaalaysigu Habeen sow kuma fiicna?

Dowladdu Maxay wax uga qaban weyday?
Horta Madaxweynaheenii Turkiga ayuu ku maqan yahay, Raiisal wassrihiina maanta ayuu Itoobiya u dhoofay, Taliyeyaasheenuna maadaama ay og yihiin inaan shaqada looga ceyrin karin qaraxyo dhacay howshooda kale ayey iska wataan iyo inay Garoonka diyaaradaha dad kusoo dhoweeyaan ama ay Hotel Jazeera ay ka qaxweeyaan.

Dowladda Maraykanka iyo Ingriiska dadkooday uga digeen inaysan Soomaaliya aadin qaraxyaduna wey sii bateen maxay og yihiin oo aanan ogeyn?
Dowladda Maraykanka iyo Ingriiska waxay leeyihiin dad dalka uga soo xuuraama waxa jira nasiib darro Dowladdeennu malaha.

Duqa Magaaladu Muxuu wax uga qaban waayey?
Tarzan waxbana kama qaban karo waana arrin u taal Hay’adaha Amniga inkastoo uu aaminsan yahay in Shabaabkii la qabto madaxa laga toogto. Taasina waa Fowdo fowdo uga jawaab.

Hadaan Xamar joogo makasii welwelaa qaraxyo kale oo soo socda?
Haa, Ilaahay ha nabad yeelo shacabka Muqdisho. Al Shabaab badan oo gobolada dhexe Itoobiyaan uu kasoo ceyrsaday ayaa magaalada kusoo qulqulaya maadaama ay tahay magaalo weyn oo ay ku dhuumaalaysan karaan. Qaraxa maanta dhacayna wuxuu ku tusayaa in Shabaab ay meeshay rabaan iyo saacaday rabaan ay qarxin karaan.

Dalkaan ma isaga tagaa dhibkiisaa batee?
Walaal dalkani waa kaagii waa keenii dhib kastana kama carari karno. Insha Allah wax waa is bedelayaan ee dulqaado, Madax howlkar ah oo dalkooda jecel Ilaahay hanoo keeno. AAMIIN.

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Featured.
« »

Comment: