Calendar

Dagaalyahanada Al-shaab oo sheegtay masuuliyada Qaraxii lala eegtay Saraakil katirsan Qaramada Midobay

Muqdisho  Ururka Al-shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerar Isqarxin ah oo duhur nimadii maanta lala eegtay kollanyo baabuur ah oo ay la socdeen saraakiil katirsan QM.

Idaacada ku hadasha Afka Al-shabaab ee Al-andulus ayaa laga baahiyay in Al-shabaab ay kadamaysay weerarkii ismiidaminta ahaa, waxaana ay masuuliyinta al-shabaab sheegen inay dileen saddex sarkaal oo cadan ah iyo toban kamid ciidanka dowlada.

Al-shabaab ayaa qaraxii maanta ku sifeeyay inuu ahaa Camaliyad Barakaysan, waxayana sheegeen inuu fuliyay mid kamid ah guutoyinka istish-haadiyiinta sida lagu yiri war kasoo baxay Al-shabaab.

Qaramada Midoobay ayaa kahadashay weerarki lagu qaaday shaqalaheeda, waxaana warkasoo baxay ay ku sheegtay in wax khasaare ah uusan kasoo gaarin shaqaalahooda, marka laga yimaado afar kamid ah ilaalada oo dhawac soo garay.

Wararkii ugu dameeyay ee laga helaayo Muqdisho ayaa sheegaya in ilaa 6- qof ay ku dhinteen qaraxa, waxaana uu dhaawac kasoo gaaray ku dhowaad 10- ruux, iyadoona  uu khasaare kasoo gaaray goob meherada oo ka ag dhow garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Bartamha.com

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: