Calendar

Baarlamaanadda Soomaaliya iyo Sudan oo heshiis kala saxiixday [SAWIRO]

Gudoomiye ku-xigeenka 1-aad ee baarlamaanka Soomaaliya iyo wafdi u hogaaminayo ayaa kus ugan magalada Khartoom ee caasimadda wadanka Sudan.

Wafdiga waxa ay wada hadalo la leehyihiin dhigooda dalka Sudan oo ka wada hadlayaan xiriirka labada dal, gaar ahaan labada baarlamaanka dhexeya iyo sida loo sii xoojin lahaa.

Gudoomiyaha ku-xigeenka 1-aad ee baarlamaanka Soomaaliya Jaylaani Nuur Ikar oo hadlay kulanka kadib ayaa sheegay iney ka codsadeen xubnaha baarlamaanka Sudan iney arimaha Soomaaliya ay si weyn ugu booriyaan kulamada baarlamanada caalamka ee ku jiraan gaar ahaan kan Islam-ka.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadleen ardayda Soomaalida ee wax ku barata wadanka Sudan, taas oo qaar badan oo kamid ah ku dhigto deeqo wax barasho, iyo mowqifyada ay ka wada taagan yihiin shirarka caalamig ee sida wada jirka uga qeyb galaan.

[slidepress gallery='baarlamaanadda-soomaaliya-iyo-sudan-oo-heshiis-kala-saxiixday']

 

 

 

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Photos, Wararka Maanta.
« »

Comment: