Calendar

Baarlamanka Puntland oo Ansixiyay xukuumada cusub (Sawirro)

Garowe_ Baarlamanka Puntland ayaa maanta cod gacan taag ah ku ansixiyay xukuumada cusub ee udhowaan soo dhisay Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas).

Munaasabada Ansixinta oo kadhacaday xarunta Baarlamanka ee magaalada Garowe ayaa waxaa goob jog ahaa madaxweynaha, kuxigeenkiisa iyo qaar kamid ah wasiirada manta la ansixiyay oo ay tiradoodu gaaraysay 36- wasiir.

Madaxweynaha dowlada Puntland oo khudbad jeediyay  kahor ansixinta ayaa mudanayasha Baarlamanka ka codsaday inay xasaanada siiyaan wasiirada cusub ee uu soo dhisay oo uu ku sifeeyay inay yihiin kuwo kasoo bixi kara hawsha loo igmaday.

Cabdiweli Gaas ayaa khudabadiisa uga hadlay waxyaalaha ay higsanayso xukuumada cusub ee uu garwadeenka kayahay, waxaana uu xusay inay wax muuqada kaqaban doonto arimo ay kamidyihiin adkaynta amaanka, soo celinta gobalada maqan iyo sidii shaqo abuur loogu samayn laha bulshada Puntland.

Tirada xildhibaanada maanta goob jooga ahaa Ansixinta xukuumada Cusub ayaa dhamayd 56- mudane, waxase cod gacan taag ku ansixiyay 55- mudane halka hal mudane uu ka amusay.

Guddoomiyaha Baaarlamanka Puntland  mudane Siciid Xasan Shire oo gabagabadii hadlay ayaa ku dhawaaqayn inay Xildhibaanadu ogolaadeen Wasiirada cusub iyo qorshaha xukuumada, waxaana uu usoo jeediyay wasiirada inay kasoo dhalaalaan hawsha ay bulshada uhayaan.

Waxaa jiray wasiiro kamaqnaa munaasabada ansixinta oo ay tiradoodu gaaraysay ku dhowaad 11- wasiir kuwaasi oo kumaqan dalka dibadiisa.

IMG_0402-740x493 IMG_0406-740x493 IMG_0410-740x493 IMG_0412-740x493 IMG_0413-740x493 (1) IMG_0413-740x493 IMG_0423-740x493 IMG_0425-740x493 IMG_0427-740x493 IMG_0428-740x493 IMG_0429-740x493 IMG_0430-740x493 IMG_0432-740x493 IMG_0436-740x493 IMG_0441-740x493 IMG_0445-740x493 IMG_0479-740x493 IMG_0480-740x493 IMG_0489-740x493 IMG_0497-740x493 IMG_0509-740x493

www.Bartamaha.com

Xafiiska Puntland

 

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: