Burcad Badeed afduub iyo dil u gaysatay Ajaanib (Faa-faahin).

Posted on Nov 8 2010 - 10:11am by News Desk
Tweet
Pin It

ALeqM5jddkhSHzV5gBTil8aV9h2bdc8bjQBartamaha (Baraawe):- Kooxo ka tirsan Burcad Badeeda ayaa la soo sheegayaa in ay qafaasheen Ajaanib ay ka soo qabsadeen badweynta Hindiya.

Warar saacada ka hor aynu ka helnay Xeebta Baraawe ayaa sheegaya in Koox Burcad Badeed ah ay qabsadeen dooni ay saarnaayeen saddex ruux oo Laba ka mida ay aheyd dhalashadooda Britain halka ninka kale uu ahaa Madow aan la garan dhalashadiisa.

Labada qof ee Britishka ah ayaa waxa ay yihiin Haweenay iyo nin da’dooda lagu qiyaasay 35-jiro waxaana la gaarsiiyay Xeebra Degmada Baraawe oo haatan lagu haysto halka ninkii Madowga ahaa la dilay.

Sida ay qorayaan wakaaladaha wararka qaarkood waxaa la toogtay nin Madow ah oo labadaasi qof la socday kaasi oo aan dhalasha ahaantiisa la garan balse ka dhaga adeegay amarada Burcada taasi oo sababtay in la dilo.

Ninka la dilay ayaa wararka soo ifbaxay waxa ay sheegayaan in uu ka soo jedo Dalka South Africa wallow dowlada wadankaasi ay beenisay in ninkaasi uu u dhashay dalkeeda taasi oo ka dhigan in ninkaasi aan la ogayn dhalasha ahaan halkuu ka soo jeedo balse la ogaaday in la dilay.

Laba qof ee u dhashay wadanka Britain ayaa la sheegayaa in lagu haysto Xeebta Baraawe halkaasi oo ay geeyeen Burcad Badeeda soo qafaalatay Labadaasi qof ee Britishka ah oo aan la garanayn halka ay la sii aadi doonaan Burcada.

Deegaanka la geeyay Labadan qof ayaa waxaa ka taliya Kooxda Alshabaab oo aan la ogayn xiriirka kala dhexeeya Burcada Afduubayaasha ah oo labada qof si kalsooni ku dheehantahay la soo gaaray Deegaanka Baraawe.

Afduubkan lagu qabsaday Labadan qof ee u dhashay wadanka Ingiriiska ayaa waxa ay ku soo aadaysaa xilli muddo sanad iyo maalma ah ay gacanta ku hayaan Burcad badeeda Lamaane da’ ah oo u dhashay wadankaasi Britain.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.

[email protected].