Xildhibaan Burale “Xubin Muhiim ah ayaan ku waayay Xasuuqii Hotel Munna..”.

Posted on Nov 8 2010 - 9:39am by News Desk
Tweet
Pin It

RwsBartamaha (Muqdisho):- Xildhibaan ka mid ahaa Mudanayaashii loogu galay Hotel ay ka daganaayeen Magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay qasaarihii iyo saamayntii ka soo gaartay Qaraxyadii Hotel Munna Muqdisho.

Xildhibaan Maxamed Sheekh Axmed (Buraale) oo ka mid ahaa Mudanaashii Baarlamanka ka tirsanaa ee qasaaraha uu ka soo gaaray qorshihii shabaabka ay weerarka uga fuliyeen Hotelka Muna Ee Magaalada Muqdisho

Xildhibaan Buraale oo hada dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho isagoo muddo lagu dabiibayay Magaalada Nairobi ayaa waxa uu sheegay in xaaladiisa ay hadda tahay mid wanaagsan balse ay murugo ku reebay weerarkii Hotelka Muna.

Xildhibaanka waxa uu sheegay in aanu filanayn wixii ka dhacay Hotelka Muna waxa uuna sheegay in Kooxda u soo gashay xilli uu sariirta hurdayay isagoo sooman balse kooxda ay qarax iyo rasaasba la beegsadeen qolkii uu jiifay.

Mudanahan  waxa uu cadeeyay in in dhaawac uu ka soo gaaray Gacanta midig iyo Lugta balse dhaawaca gacanta uu ka bogsaday wallow uu waayay lugtiisa taasina ay tiiraanyo ku reebtay qalbigiisa.

“Xubin Muhiim ah ayaan ku waayay Xasuuqii Hotel Munna… anagoo sooman ayay na dilayeen balse allaa iga badbaadiyay aniga oo hada waan ka soo bogsaday dhaawacii i gaaray wallow aan waayay Xubin muhiim ah oo lugtaydii ayaa loo jaray dhaawacii ay ii gaysteen dhagar qabayaashii” ayuu yiri Xildhibaankan.

Mudanahan ayaa waxa uu ka mid ahaa Xildhibaano,Saraakiil iyo dad rayid ah oo loogu soo galay Hotel ay daganaayeen iyadoo la laayay dad badan oo rag sare ay ku jireen wallow ay ka badbaadeen rag uu ku jiray Xildhibaankan lugtiisa laga jaray.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika

[email protected].