Burcad “Koonfur Kuuriya meeshay gali lahayd ayaa la rabaa….waan ka aarsan doonnaa…”

Posted on Jan 24 2011 - 10:49am by News Desk
Tweet
Pin It

SOMALIA PIRACYBartamaha (Xarardheere):- Mid ka mida Burcad Badeeda biyaah Soomaaliya ayaa hanjabaad toos ah u diray Dowlada Koonfur Kuuriya oo uu wacad ku maray in ay ka aar gudan doonaan.

Cali dheere waaa mid ka mida maleeshiyada bada ka qaraabata ee Burcad Badeeda loogu magac daray waxa uu balan ku qaaday in ay u aar gudi doonaan asxaabtii looga laayay badda Soomaaliya markii Ciidanka Koonfur Kuuriya ay awood ku fureen markab ay burcada haysatay.

Ciidanka K/Kuuriya ayaa waxa ay awood ku furteen markabka MV Samho Jewelry oo muddo 7-Bil ka badan looga haystay biyaha Soomaaliya iyaga oo dilay in ka badan 5-dhalinyarada Burcad Badeeda ah oo markabka dul saarnayd halka qaar kale dhaawac loo gaystay.

Cali dheere oo isgaarsiinta Hello Hello kula hadlayay Mid ka mida wakaaladaha wararka ayaa waxa uu shaaca ka qaaday hadii ay yihiin dhalinyarada difaacda Xeebaha sida uu shegtay ee ku sugan Boosaaso illaa Xarardheere ay isku duuban yihiin islamarkaana ka aarsan doonaan Kuuriya.

“Koonfur Kuuriya meeshay gali lahayd ayaa la rabaa waan dilaynaa qof walba oo aan ka qabano iyo Markab walba oo gacanteena soo gala dadka u saaran….waan ka aarsan doonnaa waana u aar gudaynaa dhalinyarada difaaca Xeebaha ee la laayay…” ayuu yiri ninkaasi Burcad Badeeda u hadlayay.

Hanjabaada ka soo yeertay  Burcad badeeeda ayaa imaanaysa malain ka dib markii la laayay dhowr Burcad Badeed ah oo xoog ku haysatay Markab laga lahaa Wadanka Koonfur Kuuriya kaasi oo muddo ay haysteen Burcada basle awood loo sheegtay markii la laynayay Burcada lagana furtay Markab ay muddo lacag ka sugayeen.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Afrika.

[email protected]