Dowlada KMG ah oo qabqabatay dhalinyaro lala xiriiriyay Alshabaab

Posted on Jan 24 2011 - 7:41am by News Desk
Tweet
Pin It

la qabqabtayBartamaha (Muqdisho):- Xabsiyada Magaalada Muqdisho ayaa saacadihii u danbeeyay la dhigay Boqolaal dhalinyara ah oo lala xiriiriyay Alshabaab.

Howlgalo saacadihii u danbeeyay ka socanayay Magaalada Muqdisho ayaa la sheegayaa in Xabsiyada lagu dhigay in ka badan 200-Dhalinyara ah oo dhammaan loo haysto xiriir la wadaagida Kooxda dagaalada dalka ka wada ee Alshabaab.

Dhalinyarada la xerxeray ayaa badankood lagala dagay gawaarida daweynaha markii laga helay astaamo muujinaya xiriir la wadaagidooda Kooxda Alshabaab oo la aaminsan yahay in ay wakiila u joogaan dhulka yar ee hada ay dowlada ka taliso.

Degmooyinka kooban ee dowlada haysato ayaa waxaa la doonayaa in laga suuliyo dhammaan Dhalinyarada ku qanacsan ama xiriirkaba la leh Kooxda mintida ah Ee Alshabaab oo dhowr jeer oo hore dilal iyo qaraxyo ka fulisay dhulka dowlada ka taliso.

Howlgalada ayaa weli socanaya waxaana aad u adkaatay in gaari loo raaco dhanka suuqa Bakaaraha iyo deegaanka Ceelasha Biyaha oo  Isgoyska Ex-Control Afgooye lagu baarayo dhalinyarada isaga goshaysa dhulka dowlada haysato iyo deegaanada Shabaabka.

Dadka Xabsiga shalay illaa xalay la dhigay ayaa badankood waxa ay yihiin dhalinyaro laga qabtay xuduud wadaaga Alshabaab iyo Dowlada ee wadada Warshadaha iyo Isgoyska Ex-Control Afgooye oo hada ah goobta xadka ay ka wadaagaan dowlada iyo Alshabaab.


Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Afrika.

[email protected]