Calendar

Cali Khaliif Galayr: ”Nooma cuntami doonto Puntland inay ka taliso gobollada SSC” (Video)

Saaxadheer (BARTAMAHA) Madaxweynaha dhawaan la doortay ee Cali Khaliif Galayr oo bixiyey wareysigii ugu horreeyey oo muuqal ah tan iyo markii xilka loo doortay ayaa si dheer ugu hadlay qabka hoggaamined ee maamulka Khaatumo.

Cali Khaliif Galayr waxaa uu sheegay inuu dadaal ku bixin doono sidii maamulka Khaatumo uu u dhismi lahaa,isagoona inta raaciyey inuu dhawaan soo dhameystiri doono golahayasha maamulka ee Khaatumo.

Siyaasada gobollada SSC

cali khaliif galaydhGalayr oo ka hadlayey qabka uu ku wajahayo deegaannada maamulka Khaatumo ee ay ku muransan-yihiin Puntland iyo Soomaaliland,waxuu sheegay inay isku howli doonan sidii ay dib ugu soo celin lahaayeen Khaatumo magaalada Laascaanood oo ay Soomaaliland ka taliso.

“Maamulku waxaa isku howli doona sidii deegaannada loo gaari laha,hadda Taleex baa si KMG ah u ah magaalo madax,balse qorshuhu waxaa uu yahay inuu maamulku gaaro Laascaanood,”ayuu yiri madaxweynaha Khaatumo.

Cali Khaliif Galayr oo arrimo badan ka hadlayey waxuu sheegay inay wada-hadallo la gali doonan Soomaaliland iyo Puntland,waxuuna caddeeyey in Puntland ay la bilaaben wada-hadallo.

“Ma noo cuntami doonto Puntland inay maamusho gobollada Sool,Saanag iyo Ceyn,balse wada-hdal ayaan kula jirna,Soomaaliland waan la furi doono,”ayuu raaciyey hadalkiisa,Galayr.

Arrimaha kale ee u ka hadlay waxaa ka mid ahaa,qabka ay noqon doonan xukuumadda uu soo dhisayo,shirarkii uu u qaatay degmada Burtinle oo gobolka Nugaal  Puntland ka tirsan.

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : VIDEOS, Wararka Maanta, Waraysi [ INTERVIEWS ].
« »

Comment: