Ciyaartoyga Emmanuel Adebayor oo koox cusub ku biiray

Posted on Jul 18 2009 - 9:44pm by News Desk
Tweet
Pin It

emmanuel-adebayorCiyaartoyga Emmanuel Adebayor ee u dhashay wadanka Togo ayaa waxa uu isaguna ku biiray kooxda Manchester City. Adebayor ayaa waxa uu kooxda Manchester City lagalay heshiis shan sanno dhan, iyada oo aan wali shaaca laga qaadin qiimaha ay Adebayor iyo kooxdu ku heshiiyen.

Adebayor oo u ciyaari jiray kooxda Arsenal, kuna caan baxay xaga gool dhaliska iyo xarakaynta kubadda cagta, ayaa kamid ah ciyaartoyda u dhashay qaaradda Africa, kana ciyaara horyaalka dalka Ingriiska. Adebayor oo 25 jir ah ayaa waxaa in mudo ah ba waxaa la sugayay kooxda uu ciyaartoygani u safandoono sannadka soo socda, iyada oo ay jirtay in ay kooxa baddani  oo ay kamid yihiin AC Milan, Barcelona iyo Chelsea rajo ka qabeen in ay hantaan ciyaartoygan.

Kooxda Manchester City iyo macalinkeeda Mark Hughes ayaa waxa ay marayaan ciyaartoygii saddexaad ee ay ku soo daraan kooxda muddo bil gudeheed ka yar. Saddexda ciyaartoy ee ku soo biiray kooxda Manchester City ayaa dhamaantood khadka hore ka ciyaara, waxayna kala yihiin, Roque Santa Cruz, Carlos Tevez, iyo Emmanuel Adebayor. kooxdan Manchester City oo ah kooxda ugu qanisan dhamaan kooxaha kubadda cagta ee dunida dacaladeeda ka dhisan, ayaa waxaa ilaa iyo hadda la maleyn la’yahay ama la qiyaasi karin talaabada ay qaadi doonto iyo ciyaartoyga kale ee ay kooxda keeni doonaan.

W/Q: Abdirahman Mukhtar