Calendar

Ciyaaryahan Shiiqaalow oo maanta Muqdisho ku geeriyooday.

shiiqaalowBartamaha(Muqdisho):-Ciyaaryahan Shiiqaalow oo ahaa Ciyaaryahan Caan ah ayaa maanta ku dhintay Magaalada Muqdisho markii uu wadnaha istaagay.

Allaha u Naxariistee waxaa maanta geeriyooday Maxamed Xuseen Shiiqaalow oo ahaa Ciyaaryahan Caan ah oo lagu xasuusto ciyaarihii Kubada Cagta ayaa manta ku geeriyoogay Magaalada Muqdisho.

Allaha u naxariistee waxaa manta wadnaha istaagay Maxamed Xuseen Shiiqaalow xilli uu marayay agagaarka Xamarweyne xilli uu ka soo lugeeyay Boondheere si uu u gaaro Waabari wallow nafta ay ka baxday isagoo wadada marayay.

Geerida Ciyaaryahanka Caanka ahaa ee Shiiqaalow ayaa waxaa si weyn uga naxay inta badan dadka daneeya Sportiga Soomaaliya gaar ahaan dadka ku sugan Magaalada Muqdisho oo ciyaaryahanka uu dhawaanahan la noolaa.

Shiiqaalow waxaa uu ku dhashay sanadii 1955-tii gudaha Degmada Shibis Muqdisho, waxaana uu Ciyaarta Kubadda cagta ka bilaabay degmada Shibis ee gobolka Banaadir halkaasi oo uu uga sii gudbay kooxdii caanka aheyd ee Minashiibiyo.

Allaha u naxariistee Ciyaaryahan Maxamed Xuseen Shiiqaalow waxaa manta lagu aasay gudaha Magaalada Muqdisho waxaana Tacsi tiiraanyo leh ay direen dhammaan bahda Sportska Soomaaliya.

Xafiiska www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: