read more »">
Calendar

Cuuryaamiinta duleedka Muqdisho oo deeq la gaarsiiyay (Daawo Sawirada).

22Bartamaha (Muqdisho):- Deeq Lacageed ayaa maanta la gaarsiiyay dadBakrakacayaal ah oo ku dhaqan Duleedka Magaalada Muqdisho.

Dadka Barakacayaasha ah ayaa waxa ay ahaayeen kuwa u badan Curyaamiin aan lahayn awood dhamaystiran kuwaasi oo muddo la’aa gurmadka iyo gacan qabashada Hay’adaha Gargaarka ee deeqaha bixiya.

Dadka la gaarsiiyey lacagahan oo isugu jira Rag, Dumar iyo carruur ayaa faaraya 500 ruux oo ka mid ah dadkii Muqdisho ka barakacay ee maciin biday duleedka magaalada Muqdisho, kuwaasoo  xilligii deeqda la siinayay Soomanaa.

Lacagaha la gaarsiiyey dadkan oo gaaraya 110 milyan Shillin Soomaali ah oo ahayd  4 kun dollar oo la sarifay ayaa waxaa dadkani soo gaarsiiyey qaar ka mid ah jaaliyadaha Soomaalida ee dalka dibaddiisa ku nool iyo sidoo kale ganacsatada Soomaalida ee dalka ku sugan.

Dadka Barakacayaasha ah waxa ay muujiyeen dhibaatada hay’satay iyagoo maanta ka helay gurmadka Gudiga Afurinta Barakacayaasha Ee Duleedka Magaalada Muqdisho oo ay hogaaminayso Kooxda Xizbul Islaam.

Daawo Sawirada:-

66


33

22

1


66

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika

[email protected]


Comments

comments

Category : Featured, Photos, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: