Calendar

Dhalinyarada Magaaladda Muqdisho oo ka cabaneyso shaqo la’aan xoogan.

ABDULLAHI DAYAXWaxaa maalmihii ugu danbeeye shaqo la’aan xoogan ay kasoo yeereesay dhalinyarada Soomaaliyeed kuwaa oo ku nool Magaaladda muqdisho ee Caasimada Dalka Soomaaliya.

Dhalinyaradaani ka cabaneyso shaqo la’aanta xoogan ayaa waxa ay qaarkood yihiin kuwo kasoo qalin-jabiyay Iskuuladda iyo Jaamacadaha kuyaalo Magaaladda muqdisho.

Dhanka kale qaar kamid ah Dhalinyarada Soomaaliyeed oo ka cabaneyso shaqo la’aanta ayaa waxa ay si toos ah ula soo xiriireen website-ka Caalamiga ah ee www.Bartamaha.com waxa ayna u sheegeyn in ay heysato shaqo la’aan ayagoona tilmaamay in ay jiraan dhalinyaro aanan wax aqoon ah laheyn hadana ka shaqeeyo shirkadaha ka shaqeeyo dalka.

Sikastaba dhalinyaradaani ayaa waxa ay baaq u direyn maamulada Shirkadaha ka howl-gallo dalka ayagoona ugu qaabay in ay siiyaan shaqo.

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Featured.
« »

Comment: