Calendar

Dood Wadaag looga Hadlaayay Social Media oo Lagu Qabatay Magalada Nairobi [SAWIRO]

Dood-wadaagan oo looga hadlaayay aaladaha ay ku wada xiriiraan Bulshada sida Facebook, Paltalk, Twitter, myspace, MSN iyo wixii lamid ah ayaa waxaa lagu qabtay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.

Waxaa soo qaban qaabiyay dood wadaagan ururka u dooda xuquuqda dhalinyarada Soomaaliyeed ee SYAO, iyadoo ay ka soo qeyb galeen Mas’uuliyiin, Xildhibaano, siyaasiyiin, khuburo ku taqasusay Social Media, dhalinyaro, haween iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Waxaana kami ahaa marti sharafkii dood wadaaga ka qeyb galayay Dr. C/raxman Macalin C/lahi Baadiyow aas aasihii Jaamacada Muqdisho, Eng. Axmed Macalin Fiqi Agaasimihii Hore Hey’ada Nabad Sugida Qaranka, Gudoomiyaha SYAO Mohamed Ibrahim Cali (Mohamed Cajiib), Tervel okoko barre jaamacadeed ahna lataliyaha saxafiyiinta Africa, Cali Muse Cabdi Saxafiga rug cadaaga ah, Ambasador Maxamed Xusen Owliyo Safiirka  Senegal ee dowlada Soomaaliya, Maxamuud Cali Ugaas C/lle, C/qaadir Dhaqane, Sayid Cali Mareeyihii hore ee Dekada Muqdisho, Shukri Afrax oo ah Saxafiyad Rug cadaa ah, Siyaasiga C/nur Darmaan, Xildhibaan Salaad Cali Jeele, Qunsulka safarada Somaliya ee kenya Siyaad Maxamud Shire, Wariye Fahad Yasiin oo katirsan TVga Al Jazeera, Gudoomiyaha Kooxda Waayaha Cusub iyo Marti sharaf  kale oo ka kala socday qeybaha bulshada.

Waxaa goobta lagu soo bandhigay faa’iidooyinka iyo khasaaraha ay leeyihiin aaladaha ay bulshada ku wada xiriiraan, waxaana la isla gartay in siyaabo badan oo xun loo adeegsaday.

Dr Baadiyow ayaa waxa uu sheegay in siyaabo kala duwan loo isticmaalo adeegyadan, qaar ayaa u adeegsado siyaabo dadka lagu marin haabinaayo, dhinacyo badana looga faa’iideysto.

Waxaa sidoo kale shaashadweyn lagu soo bandhigay tusaalayaal badan oo ku saleysnaa isticmaalka qaldan iyo adeegyadan iyo faa’iidoyinkooda.

Su’aalo ahaan ayaa waxaa loo soo qaatay kooxaha islamiga ee isticmaala Social Media kuna marin hababiyo qaar ka mid ah bulshada gaar ahaan dhalinyarada Somaliyeed ee ku nool dunida horumarta ee calamka sida wadamada Yurub, America iyo Canada.

Dhalinyaradaan laga  soo marin habaabiyo calamka ayaa ku soo labto dalka Somaliya iygoo isku qarxiyo bulshada dhexdooda, sidoo kale waxaa goobta lagu soo bandhigay film documentary oo ka hadlaayo dhalinyaro lagu qalday aaladaha la iskula xiriiro.

Eng. Axmed Macali Fiqi oo isna ka halay goobta ayaa sheegay in aaladahan ay dalal badan ay kacdoono ka abuureen siyaabo fiican iyo siyaabo  qaldana ayaana logu adeegsaday.

Cali Muse Cabdi saxafiga rug cadaaga ah oo su’aalo goobta lagu soo bandhigay mid kamid ah oo quseysay saxaafada sharaxaad ka bixinayay ayaa kula taliyay warbaahinta soomaalida in ay ka fikiraan wararka lasoo dhigo aaladaha lagu xiriiro ayna hubiyaan.

Dhamaan martidii goobta ka hadashay ayaa ku booriyay dadka Soomaaliyeed iney u adeegsadaan qaabka wanaagsan oo dalka lagu horumarin karo, fikirada qaldana laga fogaado.

SAWIRO

Comments

comments

Category : Photos, Wararka Maanta.
« »

Comment: