Calendar

Dowlada Sweden ayaa shaaca ka qaaday in ay maxkamad soo taagayso Dhaliyaro lagu Eedeeyay Burcad Badeednimo.

000000Bartamaha(Muqdisho):-Wasaarada Arimaha Gudaha Dowlada Sweden ayaa sheegtay in ay qorhaynayso sidii ay maxkamada u soo taagi lahayd ilaa 10dhalinyara soomaaliyeed ah oo ay ka soo qabteen xeebaha Gacanka Cadan xilli ay doonayeen afduubka markab laga lahaa dalka Maraykanka.

 

Dowlada Sweden ayaa tilmaamtay in raggan dhaliyarada ah ay ciidamadeeda soo qabteen xilli ay doonayeen afduubka markabka MV Antonis oo laga lahaa dalka Maraykanka kaasi oo ay rasaas la beegsadeen intii aan la qaban ka hor.

 

Raggan ayaa la sheegayaa in ay haatan ku suganyihiin markab ku sii wajahan dalkaasi Sweden oo lagu magacaabo HMS Balma oo ay leeyihiin ciidamada Badda Sweden.

 

Salgaal u hadlay kooxda Ciidamada ah ee haysa dhalinyaradan soomaaliyeed ayaa sheegay in ay mutaysan karaan xarig aan yarayn maadaama ay ahaayeen rag si rasmi ah gacanta ugula jiray falal burcadnima ah.

 

Inta badan wadamada maraakiibtooda ay joogaan xeebaha soomaaliya ayaa looga bartay in ay xiliyada ay qabtaan kooxaha buracadda ah in ay la aadaan wadamadooda ti ay ugu xeraan wallow xiliyada ay dilaan afduubayaashana ay maydkooda maamulada soomaaliya ku wareejiyaan.

 

 

 

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: