Calendar

Dowladda Kenya oo ka soo horjeesatay wareejinta dekadda Iyo garoonka Kismaayo

Screen shot 2013-08-08 at 4.27.54 AMRBC — Dowladda Kenya ayaa markii ugu horeysey ka hadashey go’aan dhawaan ay madaxda dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ay kasoo saareen shir ay ku yeesheen Kampala in maamulka garoonka iyo dekedda Kismaayo lagu wareejiyo dowladda Soomaaliya.

Dowladda Kenya jawaab ay arrintas ka bixisey waxay ku sheegtey inay kasoo horjeedo in ciidamadeeda ay wareejiyaan maamulka dekadda iyo garoonka magaaladda Kismayo .

War ay siwada jir u soo saaren xoghayaha joogtada ee wasaaradda gaashaandhiga ee dalka Kenya Monicah Juma iyo dhigiisa wasaarada arrimaha dibadda Karanja Kibicho,ayaa lugu faah faahiyey mowqifka dowladda Kenya ee kaga aadan go’aankii ay soo jeediyeen dowladaha ciidamada ka joogan Soomaaliya.

Kenya waxaa ay sheegtey in talo ahaan kusoo jeedinayso maamulka dekadda iyo garoonka inay ka wada xaajoodaan dowladda fedaraalka iyo maamulaka gobolaka ka jira.

…””“Dowladda Kenya qorshaheeda waa inay sugto goobaha ay ka jogto Soomaaliya amnigooda ee ma ahaa inan isku adkeen doono maamulida dekedda Kismaayo iyo garoonka diyaaradaha, balse waxan taalo ahan usoo jeedineyna maamulka dekadda iyo garoonka inay ka wada xaajoodaan dowladda fedaraalka iyo maamulada goboladda…””” sida uu yiri Karanja Kibicho xoghayaha joogtada ee wasaarada arrimaha dibadda.

Dekadda Kismaayo oo ay kusugan yihiin ciidamo Kenyan ah

Sidoo kale waxaa ay Kenya sheegtey in dowladda xiligaan jirata lugu soo dhisey dastuur uu dalku leeyahay kasoo faah faahinaya arrimahan maamulida,waxana uu dhigaya in wada xaajod ay dowladda kala gasho maamulka gobolka ka jira.

…”””Soomaaliya waxaa uyala dastuur faah faahinaya qodobada maamulida waxana uu dhigayaa in dowladda ay wada xaajod kala sameeyo maamulka gobolka ka jira,ee ma ahaa in go’aan dibadda laga kenay lugu majixaabiyo maamulida dhul ay joogan dadkii laha…”””ayaa lugu yiri warka Kenya kasoo baxay.

Sidoo kale hadal ay  jeediyeen xoghayayaasha jootada ee wasaaradda gaashaandhiga iyo tan arrimaha dibadda ee Kenya ayaa waxaa lugu sheegey in hindisaha ah in dekadda iyo garoonka Kismayo la wareejiyo in ay tahay mid midab takoor ku ah goboladda qaar ee dalka Soomaaliya.

…”””Qorshahaan lugu doonayo in dekadda iyo garoonka Kismayo la wareejiyo waa mid midab takoor ku ah goboladda qaar ee dalka Somaaliya,taasna loma bahna waayo waxay dib ugu celineysa Soomaaliya waxay horey ugu soo gudubtey…”””ayey yirahdeen.

Sidoo kale waxaa ay Kenya sheegtey in arrintaan xiligaan soo cusboonatey ee ka dhextaagan Kismaayo iyo dowladda faderaalka ay noqon karto mid wax u dhinta dadaalka xiligana lugu doonayo in Soomaaliya xasilooni laga dhaliyo.

…”””Soomaaliya xiligaan ka ma jirto nabad cago ku fadhiso,xiligaan qorsha ay dowladda rabto inay ku dhaqaaqdo waxaa uu noqon kara mid sii lumiya dadaalka xiligaan lugu jiro,waxana dib lugu laban doona in Kismaayo gacanta dowladda ka baxdo…”””ayaa lugu yiri warka Kenya ka soo baxay.

Garoonka diyaaradaha Kismaayo oo ay ksugun yihiin ciidamo Kenyan ah

Sidoo kale dowladda Kenya waxaa ay si cadd u sheegtey in haddii ciidama deeda ay ka baxaan magaaladda Kismaayo inay sahleyso in guddaha ay usoo galan ciidamada al-Shabaabka ee kusugan qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose.

…”””Ciidamada Kenya ee kusugan Kismaayo waa kuwo gacan xoogle ka geestey in Kismaayo ay gacanta u gasho dowladda haddii hadda ay ka baxana waxaa fududeneysa inay dib ugu soo labtaan al-Shabaab oo kusugan qeybo ka mid ah Jubbada Hoose…”””ayey tiri Kenya.

Ciidamada Kenya ayaa bishii September ee sannadkii hore 2012 ka saareen Al-shabaab magaalada Kismaayo,inkasto xiliiga kadib magaaladda Kismaayo loga dhawaqey maamulka Jubbaland oo dowladda Soomaaliya ay Kenya ku sheegto inay maamulka garab siiso.

___

RBC

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : KENYA, Latest Somali News.
« »

Comment: