Calendar

Wasiiro ku goodiyay iney is-casilayaan hadii aan dhibatada laga dayn Somalida ku nool Islii

Labo kamid ah golaha wasiiradda Kenya ayaa dalbaday in sida ugu dhaqsiyaha badan loo badalo saraakiisha ciidamada booliska ka qeyb qaatey howl-galadii dadkii laga shakiga qabay lagu xerxerayay xaafadda Islii ee magalada Nairobi.

Wasiirka Difaaca Kenya Yusuf Xaaji iyo wasiirka hormarinta Waqooyiga Kenya Maxamed Cilmi ayaa ku goodiyay iney xilka ka tagi doonaan iyagoo ka duulaya “Dhibaateynta” loogeysanayo bulshada Soomaalida ee ku hayaan saraakisha amaanka.

“Waa inuu barlamaanka uu xaliyaan arinta dhawaan hadii kale, waan is casileynaa si aan u tusno dowlada ineysan ka eexan karin” ayuu yiri Yusuf Xaaji oo hogaaminayo koox xildhiaano oo kasoo jeeda gobolka waqooyi-bari Kenya oo tagay xaafada Isli sii ay u dhageystan dhibaatada lo geystey dadka dagan iyo ganacsatadaba.

“Waxa u sheegney taliyaha booliska inaanan ka gag-saneyn dhibaateynta ay dadkeena u geysanayaan askartiisa” ayuu raaciyey.

Xildhibaanada qeyladaan direy waxa kale oo ku jirey XAsan Ducaale oo laga so doorto Duujis iyo Soofiya Cabdi oo lasoo magacaabay kuwaas oo ku wareegay dhulka ay dhibaatada ka geysteen saraakiisha amaanka ayagoo baadi goob ugu jira kooxo weeraro is xig-xigey oo bambanoyin ah ka geystey xaafadas.

Xubno kamid ah isku taga ganacsatada xaafada Islii uu hogaaminayo gudoomiyahooda Xasan Guuleed ayaa ku eedeyay saraakisha booliska iney dhacayaan dhul iyo lacago ay leehjyihiin dadka deegaanka markasta oo ay howl-gal sameynayaan.

Booliska ayaa iska diiday iney jiraan lacago laaluush ah ama ay dhaceen, waxa uu sheegay in lacago sharci ah oo la xukumay kaliya ay dadka laga qaado.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : KENYA, Wararka Maanta.
« »

Comment: