Calendar

DUMAROOW UMU-SULAYM KU DAYDA

Waxaa Qoray: Sabriye Musse Email:sabkaxaaji@hotmail.com

Waxaa Qoray: Sabriye Musse Email:[email protected]

W.Q. – Sabriye Musse
Umu-Sulaym waxa loo yaqiin Al-Gumaysaa’. Magaceeda saxda ahise wuxuu ahaa Sahla bintu Milxaan bin Khaalid Al-Khazrajiya Al-Ansaariya. Waxa kale oo lagu naanaysi jiray Umu-Aanas ibni Maalik.

Umu-Sulaym waxay ku jirtaa haweenka taariikhda islaamka baal dahab ah ka galay, waxayna kamid tahay haweenka la hubo inay Jannada rabbigay boos ku leeyihiin. Aanas ibnu Maalik ® wuxuu Rasuulka “Sallallaahu calayhi wasallam” ka weriyay: (Jannada ayaan galay, markaas baan waxan maqlay shanqar[1]. Waxan iri: Waa qofma?. Waxay dheheen: Waa Al-Ghumaysaa’ bintu Milxaan, Aanas ibnu Maalik hooyadiis)[2].

Bilowgii nolosheeda Umu-Sulaym waxay ahayd sida hablihii kale ee casrigii Jaahiliga noolaa mid u kortay oo nolol caadi ah ku barbaartay. Waxay guursatay Maalik ibnu Nadar Al-Khazraji.

Haddaba markii Eebbe uu diinta Islaamka keenay, wufuuddii reer Ansaar ee Maka timid diinta way qaateen, iyaduna waxay kamid noqotay dadkii reer Ansaar ee diinta ugu soo horreeyay[3].

Ninkeedii Maalik ibnu Nadar bay diinta u bandhigtay, intuu diiday buuna weliba ku xanaaqay. Isaga oo diinta Islaamka ka cararaya buu doonay inay Shaam u raacdo, hase yeeshee way diidday. Maalik intuu keligiis baxay oo iyada iyo carruurtii ka tegay buu dhulka Shaam ku dhintay.

Illayn waxaya ahayd haweenay caqli iyo qurux isku darsataye, raggii baa guursigeeda trtan u galay. Waxa raggii soo doontay kamid ahaa Abuu-Dhalxa (Zayd ibnu Sahal Al-Khazraji Al-Ansaai) oon isagu markaas weli islaamin.

Waxay ku tiri: (Anigu waan ku doonayaa, adiga oo kalena lama diido, hase yeeshee waxaad tahay nin gaal ah, anna waxaan ahayn naag muslimad ah ee haddaad islaanto waa kaas maharkaygii oo wax kale kaama rabo).

Wuxuu yiri: (Amba diin baan leeyahay).

Waxay ku tiri: (Abaa-Dhalxoow miyaadan ogayn Ilaahaaga aad caabbudaysaa inuu yahay qori intuu dhulka kasoo baxay, dabadeed addoonkii Xabashiga ahaaye reer hebel uu qoray).

Wuxuu yiri; (Waan ogahay). Waxay tiri: (Abaa-Dhalxoow miyaadan ka xishoonayn qori intuu dhulka kasoo baxay addoonkii Xabashiga ahaaye reer hebel uu qoray in aad caabbuddo?. Ogsoonoow haddaad islaanto mahar aan islaanka ahayn kaama rabo eh).

Wuxuu yiri: (Waqti isii aan kusoo fakaro), dabadeedna intuu kusoo laabtay buu ashahaadinka qiray. Markaas bay farxad la alalaastay oo ku tiri: (Alla waa ninkaygii iyo wehelkii naftayda Abaa-Dhalxa), waana uu guursaday.

Sidaas darteed, mahar ka qiima badan maharkii Umu-Sulaym weli taariikhda sooma aanu marin mana uu soo mari doono, maxaa yeelay wuxuu ahaa diinta islaamka. Bal eega islaantaasi sida ay nafteeda rakhiis uga dhigtay diinteeda darteed, islaamka dartiisna xaq ay lahayd uga tanaasushay.

Waxay ahayd gabar u nool qadiyad keliya darteed, qadiyaddaas oo ah diinta islaamka. Bal eega sida ay islaamka sharaftiisa sare ugu qaadday, dadkana ugu soo duwday.

Kolkii Nabigu “Sallallaahu calayhi wasallam” uu Madiina yimid, Ansaartii reer Madiina oo wada jibbaysan oo farxad aan la koobi Karini ka muuqato ayaa soo dhoweeyay. Nabigu “Sallallaahu calayhi wasallam” wuxuu ku degay guriga Abuu-Ayuub (Khaalid ibnu Zayd Al-Khazraji Al-Ansaari), dadkiina halkaas bay ugu tegayeen si ay ugu booqdaan. Umu-Sulaym waxay kamid ahayd dadkii Nabiga “Sallallaahu calayhi wasallam” ugu tegay gurigii Abuu-Ayuub. Waxay doontay inay Nabiga “Sallallaahu calayhi wasallam” wax uun u hadiyayso, mana aanay helin wax ka qaalisan inankii araxdeeda kasoo go’ay. Inankeedii Aanas ibnu Maalik bay soo kaxaysay, kedibna intay Nabiga “Sallallaahu calayhi wasallam” hor istaagtay bay tiri: (Rasuul Alloow raggii iyo dumarkii Ansaar gebigood mid waliba wax buu kugu soo dhoweeyay, anna ma awoodo wax aan kugu soo dhoweeyo oon inankaygan ahayn ee qaado oo sidaad doonto hakuugu adeego)[4], waanay ka dhaqaaqday. Aanas sidii buu Nabiga “Sallallaahu calayhi wasallam” ula joogay uguna adeegayay har iyo habeen, Nabiguna wuxuu ugu duceeyay: (Alloow maalkiisa iyo wiilashiisa badi, waxaad siisana u barakee)[5].

Umu-Sulaym markii ay Abuu-Dhalxa guursatay, waxay u dhashay wiil qurux badan oo loo bixiyay Abuu-Cumayr, Abuu-Dhalxana aad buu u jeclaa. Waxa xitaa aad u jeclaa Nabiga “Sallallaahu calayhi wasallam” oo mararka qaar soo booqan jiray oo la ciyaari jiray. Abuu-Cumayr Shimbir yar oo uu lahaa oo Nughayr la oran jiray buu ku ciyaari jiray. Mar kastoo Nabigu “Sallallaahu calayhi wasallam” soo maro isagoo shimbirkiisa ku ciyaaraya, wuxuu ku dhihi jiray,: (Abaa-Cumayroow Nughayr ka warran?)[6].

Wiilkii Abaa-Cumayr ahaa wuu xanuusaday, Abuu-Dhalxana aad buu ula murugooday. Maalin buu xanuunkii aad ugu soo siyaaday, Abuu-Dhalxana dan uu Nabiga “Sallallaahu calayhi wasallam” ka lahaa buu u baxay, wuuna kusoo daahay. Inankii hooyadiis oo la joogta aabbihiisna maqan yahay ayay naftii ka baxday. Reerkii qaar kamid ah ayaa ooyay, Umu-Sulaym baase dejisay, kuna tiri: (Yaan Abuu-Dhalxa geerida inankiisa loo sheegin anigaa u sheegayee).

Meydkii wiilka intay maro ku dabooshay bay koone guriga kamid ah dhigtay, dabadeedna guda gashay inay ninkeedii raashin u diyaariso.

Kolkuu Abuu-Dhalxa soo laabtay, bay cashadii u dhigtay. Kolkuu raashinkii cunayna, si la yaab leh bay isugu qurxisay oo isugu diyaarisay, markaas buu u galmooday. Kolkay aragtay inuu si fiican u dhergay, nafsaddiisuna degtay, bay ku tiri: (Abaa-Dhalxoow ka warran haddii qolo ay reer guri deggan alaab tabal-caareeyaan, dabadeedna tabal-caaradoodii kasoo doontaan, miyay u diidi karaan?). Wuxuu yiri: (Maya). Waxay tiri: (Abaa-Dhalxoow inankaagii waa kan Alle ayaynu ka tabal-caaraysannay wuuna la noqday ee wiilkaagii Alle agtiisa ku xisaabso).

Markaas buu intuu carooday oo yiri: (Intaad faraha iga qaadday ilaa aan is dhaamay “Janaabo igu dhacday” baad keddib wiilkaygii warkiisa ii sheegtay miyaa), ayuu dhaqaajiyay Rasuulkana (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) u tegay, wixii dhacayna uga sheekeeyay. Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) wuxu yiri: (Habeenkiinna Alle ha idiin barakeeyo).

Abuu-Dhalxa waxaa u dhashay wiil uu Nabigu (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) intuu u dhanxanageeyay uu Cabdullaahi u bixiyay)[7].

Nin asxaabta Nabiga (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) kamid ahaa wuxuu yiri: (Waxaan arkay sagaal wiil oo “Cabdullaahi dhalay oo” wada xaafidul-Qur’aan ah, waana ducadii Rasuulka (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ee ahayd: “Alloow u barakee” oo Alle u aqbalay darteed).

Miyaad weligiin aragteen haweenay wiilkeedii uu haddeer dhintay oon weli la aasin, isla markaasna ninkeedii u khidmaynaysa isuna diyaarinaysa?. Bal eega heerka ay diinteeda ku gaartay iyo sida ay uga kortay; oohin, qayla-dhaan, dhar jeexjeex, daaman dhirbaax, tima iska rifid iyo waxyaabaha haweenka haddeer joogaa ay ku kacaan kolka ubadkii ay dhaleen dhintaan.

Haweenay heerkaas ka gaartay diin iyo iimaan, la yaab ma laha haddii ay wiilasheedu hagaagaan, gabdheheedu toosaan, ninkeeduna suubbanaanteeda kaga daydo.

Umu-Sulaym ninkeeda Abuu-Dhalxa waxay ku boorrin jirtay jihaadka, diin fidinta iyo Alle ka cabsiga.

Dagaal weynihii Uxud kolkii Nabiga “Sallallaahu calayhi wasallam” laga kala cararay asxaabta badankeediina jaanta rogeen, Abuu-Dhalxa ® wuxuu kamid ahaa asxaabtii fara-ku-tiriska ahayd ee Nabiga “Sallallaahu calayhi wasallam” difaaciddiisa u istaagtay. Wuxuu ka dagaallamayay Nabiga “Sallallaahu calayhi wasallam” hortiisa, wuxuuna ka ilaalinayay isuna dhigayay fallaaraha gaalada. Wuxuu ahaa nin shiish yaqaan ah, maalinkaasna waxaa ka jabtay laba qaanso. Ninkii fallaaro wata oo soo mara Nabigu“Sallallaahu calayhi wasallam” wuxuu ku lahaa: “Abuu-Dhalxa u daadi”. Nabiga“Sallallaahu calayhi wasallam” iyo Abuu-Dhalxa waxay gabbaad ka dhiganayeen hal gaashaan. Markuu Abuu-Dhalxa ® fallaar genaba Nabigu “Sallallaahu calayhi wasallam” intuu madaxa la baxo ayuu meesha ay ku dhacday eegayay. Abuu-Dhalxa wuxu lahaa: “Aabbahay iyo hooyaday lagugu furaye madaxa hala bixin yaanay fallaaraha gaaladu kugu dhicine, intaad dhiman lahayd aan anigu dhintee”.

Abuu-Dhalxa ® wuxuu difaacayay Nabiga “Sallallaahu calayhi wasallam” gaaladuna dhinac kasta ayay ka garaacayeen. Kan waranka ku dhifanaya, kan gamuunka ka taagaya, kan toorrida gosha ka gelinaya, ilaa dhaawacyadii gaaray dartood uu Nabiga “Sallallaahu calayhi wasallam” hortiisa ku dhacay. Abuu-Cubayda iyo asxaab kale ayaa isagoo sii dhacaya kasoo gaaray oo Nabiga difaaciisii wax ka galay. Nabigu “Sallallaahu calayhi wasallam” asxaabtii wuxuu ku yiri: (Walaalkiin qaada way u waajibtaye), waxana jirkiisa ku yaallay dhawr iyo toban nabar oo isgu jira Fallaar, toorri iyo Seef. Nabigu “Sallallaahu calayhi wasallam” wuxuu dhihi jiray: (Codka Abuu-Dhalxa oo ciidanka ku jira ayaa guuto dhan ka khayr badan)[8]. Kaasi waa codkiisa ee bal ka warran quwaddiisa iyo awooddiisa dagaal. Aanas ibnu Maalik waxaa laga weriyay: Maalintii Xunayn Nabigu “Sallallaahu calayhi wasallam” wuxuu yiri: (Qofkii gaal dila wuxuu ka furto isagaa leh), markaas buu Abuu-Dhalxa labaatameeyo gaal dilay waxay wateenna ka furtay.

Abuu-Dhalxa markuu islaamay wixii ka dambeeyay wuxuu ahaa nin u go’ay inuu diinta calankeeda qaado. Aanas ibnu Maalik waxaa laga weriyay: (Abuu-Dhalxa waqtigii Rasuulka “Sallallaahu calayhi wasallam” soon sunno ah ma aanu soomi jirin, maxaa yeelay jihaad joogta ah ayuu ku jiray, keddibkiisna wuxuu soomay afartan sano oo aanu afurayn ciidul-Fidri iyo Ciidul-Adxaa mooyee).

Umu-Sulaym lafteedu maalintaas Uxud dhankeeda ayay jihaadka uga jirtay. Aanas ibnu Maalik wuxuu yiri: “Waxaan arkay Caa’sha bintu Abiibakar iyo Ummu-Sulaym oo intay tafaha xaydteen, biyo dhabarkooda kusoo daldalaya oo dadka waraabinaya, kaddibna laabanaya oo sidii oo kale usoo daldalaya, dabeetana dadkii waraabinaya”.

Sidoo kale, maalintii Xunayn Umu-Sulaym oo toorri sidata ayuu Abuu-Dhalxa Nabiga “Sallallaahu calayhi wasallam” u sheegay, isagoo leh: (Rasuul Alloow Umu-Sulaym waa tan iyadoo toorri wadataa). Rasuulku “Sallallaahu calayhi wasallam” wuxu ku yiri: (Toorridani maxay ahayd?). Waxay tiri: (Waxaan usoo qaatay, haddii gaalada qof kamid ahi iisoo dhowaado in aan caloosha uga dillaaciyo), rasuulkuna “Sallallaahu calayhi wasallam” markaas waa uu qoslay[9].

Nabigu “Sallallaahu calayhi wasallam” haween aan haweenkiisa ahayn uma aanu geli jirin, marka laga reebo Umu-Sulaym. Galabtii ayuu gurigeeda ku indha guduudsan jiray, markii arrintaas wax laga weydiiyayna wuxuu yiri: (Waan ugu naxariisanayaa, walaalkeed baa isagoo ila jira la dilay)[10]. Walaakeeda la dilay waa Al-Xaraam ibnu Milxaan ® oo lagu dilay Bi’ru Macuuna. Dhacdadaas waxaa lagu dilay toddobaatan asxaabta Nabiga “Sallallaahu calayhi wasallam” kamid ahaa oo gaalada loogu daray inay diinta baraan, hase yeeshee khiyaano ayay ku dileen. Al-Xaraam Waran baa inta dhabarka looga dhiftay laga dhex bixiyay. Markuu dhiigga arkay buu yiri “Allaahu Akbar, Kacbada Rabbigeedaan ku dhaartaye waan liibaanay”.

Maalin isagoo gurigeeda jiifa ayuu aad u dhididay. markaas intay maro soo qaadatay bay dhididka uga tirtirtaa dabeetana dhalo ku majuujisataa. Sidii iyadoo samaynaysa buu Nabigu “Sallallaahu calayhi wasallam” ku kacay, kuna yiri: (Maxaad samaynaysaa?). Waxay tiri: (Dhididkaaga iyo catarkayga ayaan isku dheehanayaa)[11].

Nabigu “Sallallaahu calayhi wasallam” aad bay su’aalaha diiniga ah u weydiin jirtay, lamana aanay xishoon jirin mas’alooyinka diiniga ah. Umu-Sulaym baa maalin Nabiga Sallallaahu calayhi wasallam” u timid isagoo ay Caa’isha ® la joogto, waxayna ku tiri: (Rasuul Alloow haddii haweentu ay aragto waxa ninku riyada ku arko, iskuna aragto waxa ninku isku arko). Caa’sha ® ayaa markaas tiri: Umu-Sulaymaay mididgta ciid gashee dumarkii wad ceebaysay). Wuxuu markaas Caa’isha ® ku yiri: (Adigu midigta ciid gasho, haa, Umu-Salaymaay hadday sidaas aragto ha qubaysato)[12].

Umu-Sulaym waxay ahayd haweenaydii Nabiga “Sallallaahu calayhi wasallam” u dhistay Safiya bintu Xuyay ibnu Akhdhab oo uu guursaday furashadii Khaybar keddib. Sidoo kale, Nabiga “Sallallaahu calayhi wasallam” markii Maariya Al-Qibdhiya oo Muqowqaskii (boqorkii) Masar usoo hibeeyay loo keenay, wuxuu dejiyay guriga Umu-Sulaym bintu Milxaan ilaa iyo intuu uga diyaarinayay gurigii markii dambe uu dejiyay oo ku yaallay xaafadda la yiraa Al-Caariya oo duleedka Madiina ahayd.

Umu-Sulaym waxay geeriyootay abbaarihii afartamaadkii Hijrada, samankii khilaafadii Mucaawiya ibnu Abii-Sufyaan ®.

Alle hau naxariisto, hana ka raalli noqdo Umu-Sulaym bintu Milxaan, kuwii Jannada kula rafiiqana Alle ha inaga dhigo, Aaamiin.

Sabriye Musse
[email protected]

Comments

comments

Category : Maqaallo / Articles.
« »

Comment: