read more »">
Calendar

Gudiga Adeegga Garsoorka oo ka horyimid Wareegtadii lagu kala diray

ilka xanafMuqdisho(Bartamaha) Gudiga Adeegga Garsoorka qaranka ayaa gaashaanka u daruuray wareegtadii kasoo baxday Xafiiska madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan SH Maxamuud ee uu ku kala diray Gudigii Adeegga GArsoorka.

Shir ay maanta magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ku yeesheen xubnaha Gudiga Adeegga Garsoorka ee la kala diray ayaa waxa ay kasoo saareen go’aano ay ku ridinayaan wareegtada kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya.

Gudiga ayaa sheegay inuusan madaxweyne Xasan SH awood u lahayn inuu kala diro Gudiga Adeegga Garsoorka,waxayna sheegeen iney qayb ka yihiin 3da tiir ee ay ku dhisan tahay dowladda Federaalka Soomaaliya,waxayna ku baaqeen inaan la abuurin khilaaf hore leh kaasoo saamayn ku yeelan kara hiigsiga cusub ee 2016-ka .

1.In Golaha Adeega Garsoorku uu ka mid yahay 3da tiir ee Qaranku ka kooban yahay eeg qod 105 iyo 106 ee dastuurka Qaranka

2.  In Digreetada Madaxweynuhu aaney waafaqsaneyn Dastuurka Jamhuuriyadda.

3.  In aanu jirin Dastuur ama sharci Madaxweynaha awood u siinaya in uu kala diro Golaha Adeega Garsoorka ama gole kale oo qaran.

4.  In sida dastuurka Qaranku farayo ay saxtahay in Gole Adeeg Garsoor oo cusub la sameeyo hasayeeshee:

5. In Golaha Adeega garsoorka ee hadda jiraa sii wadayo xilka Adeega Garsoorka ilaa laga dhisaayo Gole Cusub.

6. Inaan Qaranimmada iyo Dowladnimadu oggoleyn in haddii nidaam la dhiso la baneeyo meesha ilaa cid kale loo magacaabao sida golaha Baarlamaanka iyo Golaha Wasiirada.

7. In marka wax garsoor ku saabsan laga hadlaayo sida Dastuurku dhigayo Madaxweynuhu uu helo oggolaanshaha Golaha Adeega Garsoorka xitaa magacaabista xeer-ilaaliyaha iyo ku-xgeenadiisa.

8. Haddii lagu kaco ama lagu dhaqaaqo tallaabo garsoorka la xiriirta oo aan lagala tashan Golaha Adeega Garsoorka waa mid ka baxsan sharciga xitaa haddii goluhu yahay mid ku-meelgaar ah.

 

Muqdisho Bartamaha

Comments

comments

About Caadil

Caadil is a Mogadishu based reporter and columnist with a focus on coverage of Somali politics and media. An outspoken proponent of accountability journalism.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment:

cccc