Calendar

Puntland oo ka warbixisay halka ay marayaan dhismaha Garoomada diyaaradaha Boosaaso iyo Garoowe

BoosaasoGaroowe(Bartamaha) Puntland ayaa ka hadashay halka uu marayo dhismaha garoonka diyaaradaha magaalada Boosaso ee gobolka Bari Wasiirka Duulits hawada iyo Garoomada ee Puntland Xasan Xaaji Siciid ayaa sheegay in uu meel wanaagsan umarayo dhismaha garoonka Bosaaso.

Wasiirka ayaa sheegay in hada la dhameystiray wajigii labaad ee birta culus, isla markaasna dhamaanba agabyadii loogu baahnaa dhismaha garoonka la keenay oo dhawaan si rasmi ah loo bilaabi doono howlaha kale ee garoonka Boosaaso.

Wasiirka Duulista hawada  iyo Garoomada  Puntland Xasan Xaaji Siciid ayaa sheegay in dhererka Garoonka  Diyaaradaha magaalada Boosaaso la ballaariyey isla markaane xiligan la gaarsiiyey 3KM iyo 400M ,wasiirka ayaa sheegay inuu si rasmi ah u bilowday dhismaha Garoonku.

Wasiirka ayaa daboolka ka qaaday in dhamaan agabkii lagu shaqayn lahaa la diyaariyey wuxuuna xusay in hadda ay socoto xaaqidda Garoonka,Xasan Xaaji Siciid ayaa dhanka kale sheegay iney sidoo kale wadaan qosrhe lagu ballaarinayo Garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Dhismaha Garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayuu sheegay in loo kala qaadi doono Saddex waji oo isdaba yaal ah,wasiirka ayaa intaa ku daray iney sidoo kale qorsheynayso dhismaha Garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

 

Boosaaso Bartamaha

Comments

comments

About Caadil

Caadil is a Mogadishu based reporter and columnist with a focus on coverage of Somali politics and media. An outspoken proponent of accountability journalism.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment:

cccc