Calendar

Guusha Kooxda Soomaaliya Ay Ka Gaartay Dhigooda Dalka Sudan [Sawirro]

Kaddib markii xaley kooxda Soomaaliya ee 17-jiradda ay ka adkaadeen ciyaar ka tirsan isreeb-reebka koobka Junior-ka CAF, ayaa waxa dabaaldagyo iyo farxad laga dareemayaa dalka Sudan.

Soomaali badan ayaa xaley isku soo baxay caasimada Khartum, kuwaasoo ku farxan guusha ay xulka dalkeena Soomaaliya ka soo hoyeen dhigooda dalka Sudan.

Boqolaal ka mida jaaliyada Soomaaliyeed  ee dalka Sudan ayaa xaley wacdaro lala yaabay ka dhigay garoonka kubada cagta Khartuum Stadium kaddib markii ay garoonka kusoo wareejiyeen iyagoo xambaarsan guddoomiyaha wafdiga Soomaaliya Cali cabdi Maxamed (Cali Shiino) iyo macalinka qaranka Maxamed Cabdulle Farayare

Suudaaniyiinta ayay fajiciso ku noqotay kaddib markii ay arkeen shacab farabadan oo iyagoo aan marnaba daaleyn kor u sida guddoomiyaha wafdiga oo ay kusoo wareejiyeen garoonka, waxaana taasi ay timid kaddib markii garsooruhu ku dhawaaqay seerigii astaanta u ahaa dhamaadka cayaarta oo xulka da’yarta Soomaaliya ay 1-0 kaga adkaadeen dhigooda Sudan.

“”Waxaa aad ii cajabiyay taageerayaasha Soomaalida oo aad uga xamaasad badnaa kuwa Sudan ee dalkooda la joogo—90-kii daqiiqo marnaba maanay aamusin waxaabana iigusii yaab badnaa markii la arkay iyagoo xambaray oo garoonka kulasoo wareegay ninkii wafdiga Hogaaminayay Cali Cabdi Maxamed iyo Macalin Farayare”sidaasi waxaa yiri Badru Eldin oo ah wariye Sudani ah oo ka tirsan ururka warfaafinta CECAFA.

“Inkastoo wali aan ku dhex jirno dhibaatooyin fara badan oo dalka ka jira hadana xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagtu waxaa uu dadaal xoogan ku bixiyay sidii kor loogu qaadi lahaa xulalka kala duwan hadii ay ahaan lahaayeen kuwa yaryar ama kuwa waaweyn, waxaana qabnaa rajo ah in kubada cagta Soomaaliya ay wax badan iska badalaan sanadaha soo socda”ayuu yiri xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cabdi Qani Saciid Carab oo galabta saxaafada la hadlay.

Wafdiga Soomaaliya waxaa hogaaminaya Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiino) oo xubin ka ah guddiga fulinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta waxaanay dalka dib ugusoo laaban doonaan todobaadka inasoo aadan iyagoo Transit kusoo ah magaalada Nairobi.

Si kastaba, Xulka dalkeena Soomaaliya ayaa usoo gudbtay wareega labaad ee cayaaraha dhalinyarada Africa waxaana 12-ka bisha soo socota ay la cayaari doonaan dalka Algeria lugta hore  oo ay ka dhici doonto magaalada Khartoum halka lugta labaadna ay ka dhici doonto magaalada Algeris 26-ka isla bisha October.

Kooxda Soomaalida ee 17-jirada ayaa lagu wadaa in maalinta Axada ah ee inasoo aadan ay soo gaaraan magaalada Muqdisho iyadoo muddo kooban ay ka xigto xiliga ay lugta labaad ee is reeb reebka cayaaraha dhalinyarada Africa la yeelanayaan dalka Algeria oo ka mid ah dalalka ku horeeya kubada cagta ee Afrika.

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: