Hay’ada Elman oo soo saartay warbixin ku aadan qasaaraha dagaaladii Xamar.

Posted on Sep 13 2010 - 11:19am by News Desk
Tweet
Pin It

elman-logoBartamaha (Xamar):- Hay’adda Nabadda iyo Xuquuqda Aadanaha ee Elman ayaa soo saartay warbixin ay ku faahfaahinayso qasaarihii ka dhashay dagaaladii ugu danbeeyay Ee Muqdisho.

Hay’ada Elman ayaa shaaca ka qaaday in dagaalada Caasimada ka qarxay ay shacab badan ku dhamaadeen islamarkaana ay ku dhinteen 302-qof, waxaana ku dhaawacmay 650-qof, sidoo kalena waxaa ku barakacay 22,000-qof sida warbixinta ay ku cadaysay hay’ada Elman.

Guddoomiye ku xigeenka hay’adda ahna ku simaha guddoomiyaha Cali Sheekh Yaasiin Geeddi (Cali Fadhaa) oo saxaafada u faah-faahinayay warbixintooda ayaa qiray qasaaraha ka dhashay dagaalkaasi.

Cali Fadhaa ayaa sheegay in warbixintooda ay tahay mid rasmi ah oo cadaynaysa xaalada dhabta ah markii ay soo baareen dhibaatada dhacaysay mudadii dagaalada ay socanayeen gudaha Bishii Ramadaan.

Warbixintan ayaa waxa ay ka duwantahay warbixintii UNHCR ay ka soo saartay qasaarihii ka dhashay dagaaladii ka dhacay Bishii Ramadaan gudaha Magaalada Muqdisho waxaana ay UNHCR horay u sheegtay in ay dhinteen 230-qof, dhaawacna uu soo gaaray 400-ruux.

Warbixintan ka soo baxaysay Elman ayaa waxa ay imaanaysaa xilli magaalada Muqdisho weli ay xaalad ahaan kacsan tahay oo maalin walba ay ku dhamaadaan dad shacab ah oo ka madax banaan dhibaatada taagan.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.

[email protected]