Xildhibaano farta ku goday qodobo ka mida Dastuurka Cusub.

Posted on Sep 13 2010 - 10:57am by News Desk
Tweet
Pin It

BarlamanaBartamaha (Muqdisho):- Xildhibaano ka mida Baarlamanka Soomaaliya ayaa farta ku goday qodobo ka mida Dastuurka Cusub.

Xildhibaan ka tirsan dalada toosinta iyo bedbaadinta qaranka ee baarlamaanka dowladda KMG ayaa ka waramay qodobo ku saabsan dastuurka cusub ee hada la diyaarinayo.

Xildhibaan C/qaadir Nuur Caraale  oo Muqdisho ku sugan ayaa  waxa uu sheegay in ay jiraan qaladaad yaryar oo ku jira dastuurka cusub oo hadda ay soo bandhigen nuqulo ka mida Gudigii sameeyay.

Xildhibaan Caraale ayaa wuxuu tilmaamay qaladaadkaasi in ay yihiin kuwo aan sidaasi u weyneen hase ahaatee loo baahanyahay in xiliga ugu dhaqsida badan la saxo.

Xildhibaankan ayaa cadeeyay in aan dalka lagu maamuli doonin qodobadaasi qaldan oo looga baahanyahay gudiga in ay ku laabtaan si dalka isbadal aanu iga dhicin maadaama dastuurkii 1960-Kii la badalayo.

Xildhibaan Caraale ayaa wuxuu ka mid ahaa ku dhawaad afartan xildhibaan oo muqdisho shalay ku soo noqday markii muddo ay ku sugnaayene magaalada Nairobi Ee Dalka Kenya.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga AFrika