Calendar

Ciidanka Amisom oo rasaas ku furay dad shacab ah.

amisomBartamaha (Muqdisho):- Ciidamada Amisom ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa maanta si bareer ah dad ugu layay gudaha Muqdisho.

Ciidanka Nabad Ilaalinta u jooga Muqdisho ayaa duhurnimadii maanta dad rayid ah ku furay rasaas u muuqatay mid bareer ah taasi oo sababtay qasaara kala duwan oo dadka shacabka ah soo gaaray.

Raasaasta ayaa waxa ay ciidanka ku fureen dadka shacabka ah xilli ay ku sugnaayeen wadada xiriirisa KM.4 iyo Garoonka diyaaradaha Muqdisho halkaasi oo dad badan maanta ay u dhinteen rasaasta Ciidanka Amisom ku fureen shacabkaasi.

Saddex qof ayaa geeriyootay 6-kalana dhaawac ayaa ka soo gaaray rasaasta ay baskarta Amisom ku asqeeyeen dadkaasi rayidka ahaa oo aan la ogayn sababta maanta rasaasta loola beegsaday.

Dadka waxyeelada soo gaartay ayaa la dhigay Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho halkaasi oo haatan lagu dabiibayo dhaawacyadaasi iyadoo aanay jirin cid wax iska waydiisay rasaasaynta shacabka.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.

[email protected].

Comments

comments

Category : The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: