Calendar

Kulanka Wadamada Daneeya Arimaha Soomaaliya oo manta ka furmaya Magaalada Roma Ee dalka Talyaaniga.

somali-conBartamaha (Muqdisho):- Kulankan oo ay maanta isugu imaanayaan wadamada la isku yiraahdo Somali Contanct Group ayaa la filayaa in looga hadlo arimaha Nabadgalyada Dalka soomaaliya iyo la dagaalanka Burcad badeeda.

Shirkan ay manta ku yeelanayaan Magaalada Roma Ee Wadanka Talyaaniga wadamada Daneeya arimaha soomaaliya ayaa dhanka soomaaliya waxaa markii ugu horeysay uga qeybgalaya R/Wasaaraha Dowl;ada Fd Soomaaliya Dr.Cumar C/rashiid oo shaly gaaray wadankaasi.

Kulankan oo ah kii labaad oo ay muddo bil gudaheeda ay yeeshaan wadamadaasi Somali Contact Group la baxay ayaa la sheegayaa in ay haatan kaga arinsanayaan arimaha dagaalada dalka ku soo kordhay iyo sidii dowlada Soomaaliya loo caawin lahaa sidii ay uga taqalusi lahayd dhinacyada dhibaatada ku haya.

Wadamada Daneeya Soomaaliya ee ururkaasi ku midoobay ayaa waxaa ka mid ah Maraykanka,Ingiriiska,Talyaaniga,Norwey,Faransiiska ,iyo wadama kale ayaa dhamaan waxa ay ka mideysanyihiin in la baa’biyo kooxaha burcad badeeda loogu yeero kuwaasi oo ay wadamadaasi sheegaan in ay xaalada dalka soomaaliya ka sii darayaan..

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha dowlada Fd soomaaliya aya lagu wadaa manta in ay kulan yeeshaan dhigiisa wadanka Talyaaniga si ay uga wadahadalaan arimaha labada wadan iyo xiriirka gaarka ah ee labada wadan.

Warar xog’ogaal ah ayaa sheegaya in R/Wasaare Cumar C/rashiid uu wakiil ka yahay madaxweynaha dowlada Fd soomaaliya oo dhawaan la filayay in uu Roma gaari si uu u soo qaado dhaqaale ay dowlada Talyaniga ugu deeqday dalka soomaaliya.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: