Calendar

Maamulka Gal-Mudug iyo gudiga qiimaynta abaaraha oo dalbaday gargaar deg-deg ah oo lala soo gaaro bulshada Gobolkaasi.

Galmudug_armsBartamaha (Gaal-Kacyo) Maamulka Gal-Mudug oo kulan ay yeesheen gudiga qiimaynta abaaraha ayaa waxa ay wada jeediyeen baaq deg-deg ah oo loo jeedinayo hay’adaha samafalka si ay uga soo gaaraan dhibaatada ka taagan Gal-mudug.

Gudiga qiimaynta xaalada abaaraha ayaa waxa ay sheegeen in deegaanadaasi ay biya la’aan baahsan ka taagantahay taasi oo ay sii dheertahay abaar dadka iyo duunyadaba laysay oo ka taagan deegaano hoos yimaada  maamulka gal-mudug.

Abaarta ayaa la soo sheegayaa in ay ka dilaacday deegaanada bariga Mudug iyo koonfurta tuulooyinka uga began Gaal-kacyo halkaasi oo la sheegay in dad badan ay harraad u dhinteen.

Maamulka sare Ee Gal-Mudug iyo gudiga abaaraha ayaa waxa ay baaq wada jir ah u jeediyeen hay’adaha samafalka oo ay sheegeen in aanay indhahooda qaban dhibaatada ay ku jiraan dadka ku dhaqan Gal-Mudug.

Dhawaan ayay ahayd xiligii guddi ka socday hay’adaha Qaramada Midoobe ay soo booqanayeen Deegaano ka mida Gobolka Mudug gaar ahaan halka ay ka taliyaan maamulka Gal-Mudug.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: