Calendar

Madaafiic Duqeyn ah oo galabta Muqdisho ay isku dhaafsadeen Ciidamada Amisom iyo xoogaga mucaaradka Dowlada Fd soomaaliya.

amisomBartamaha(Muqdisho):-Madaafiicdan Duqeynta ah ayaa timid ka dib markii ciidamada Amisom ay bilaabeen in ay Taangi ku garaacaan Daartii Ubaxaka Kacaanka Soomaaliyeed Ee Isgoyska Frolence halkaasi oo ay saarnaayeen xoogaga Mucaaradka dowlada Soomaalia.

Intii uu socday madaafiicdaasi lagu garaacayay qeybo ka mid ah degmada Wardhiigley ayaa waxaa durbadiba bilaabatay Hoobiyayaal iyo qoriga Zuu-ga oo iyana kooxaha Mucaaradka ay ku ridayeen fariisinada ciidamada Amisom ee Villa Somalia.

Xaalada ayaa ka dartay iyadoo ay ciidamada Amisom ay madaafiic u qeybiyeen degmooyinka Yaaqshiid iyo Wardhigley iyo sidoo kale qeyba ka mid ah demada Howl-Wadaag halkaasi oo ay ka dhalatay qasaara xagga Nafta ah oo dadka rayidka ah so gaartay.

Illaa haatan inta la xaqiijiyay waxaa duqeynta madaafiicda loo gaystay Degmooyinka Yaaqshiid iyo Wardhiiglay waxaa ku nafwaayay ilaa 4Ruux oo rayid ahaa iyadoo ay dhaawucuna uu sii cagacagaynayo 10ruux oo badankood dakaasi ay yihiin shacab guryahooda ay madaafiicdu ku haleeshay.

Lama oga dhinacyada Madaafiicda Isdhaafsaday ee xagga dowlada Fd soomaaliya iyo Amisom iyo kooxaha mucaaradka waxa kala gaaray maadaama labaduba ay shacab dushood ay madaafiic isku dhaafsadeen.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: